Skip to main content

Codka kuu baxaya!

"Iska eeg ereyada aad adeegsanaysid. Ha moodin in aad adeegsanaysid, iyagaa ku adeegsanaya". ~ Dr. Cadnaan Ibraahiim
Dadka qaar marka ay isla hadlayaan kor bay isula hadlaan, waxaana dhici karta in dadku maqlaan ama arkaan qofkii oo faraha taag-taagaya. Balse badankeen si hoose baannu isula hadalnaa. Hadba arrimaha noloshayada khuseeya ama duruufaha nagu xeeran baana ah halka aynu hadalkaa naga dhex guuxaya ku faanqeyno. Barta Facebook ee wax lagu qoro, waxaa si har ah ugu qoran "What's on your mind?". Waxaana ka dhashay in dad badan halkaa ay ku burqadeen, calooshoodana ay fureen. Ujeedkaygu waxa weeye in aannu marka 1aadba ogaanno — waliba si foojignaan leh, hadallada naga dhex guuxaya halka ay noo wadaan. Haddii ay baqdin, filasho xumo, baaseysi iyo natiijo xun ay marwalba kuu muuqato, waxa aad u baahantahay in si deg-deg ah aad isaga gaarto, adiga oo ka billaabaya in aad joojisid hab fikirka noocaa ah. Maadaama aynu nahay dad Muslim ah, waxaa diinteenna macaan ina fareysaa in aynu samaha filanno "Fisha samaha, waad heleysaan eh" Suubbaneheenna Sharfanaa nabad iyo naxariistii ALLE ha kor yeelee baa yiri. Filashada xuni waxa ay naga curyaamisaa wax isku dayga, waxaana durba kuu muuqanaya jab iyo naasa beel. Adiga oo aanan isku wareerin waxa kuusoo baxaya "Tillaabo qaad" maskaxda ku qafil oo keli ah, codka kuu baxaya ee leh "War waxba heli maysid, cidna kuma rabto, waxba kaama horreeyaan, iska daa" ku dheh "War bal horta aannu tillaabo qaadno, wax in la waayo waxaa lagu beenin karaa in wax la raadiyo eh".  وَهُزِّىٓ إِلَيْكِ بِجِذْعِ ٱلنَّخْلَةِ تُسَٰقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا صدق الله العظيم

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...