"Xigmaddu waa in waxa dadka badankii ay ku fooggan yihiin aad ka weecatid". ~
Charles Bukowski
Howl aan ka shaqeynayey ayaa fikrad cusub igusoo dhacday, inta toosay baan
buug-yarahaygii doontay, kadibna ku xarriiqay. Waxaa igusoo dhacday markii iigu
dambeysay Facebook, faallo meel aan ka bixiyey baa todobaad maskaxdayda kasii
sharqamaysay oo hadba aan goconayey. Waxa aan is weydiiyey "Toloow haddii aad
baraha bulshada ku jiri lahayd, sidaan oo kale ma ugu soo hinqan lahayd wax
maankaaga kusoo tiixay?". Aniga iyo saaxiibkay Jaamac oo caweynayna baan
weydiiyey "Hadda adiga oo tabtaada ah, ma qori kartaa buug, waliba adiga oo
aanan waxba soo diyaarsan?". Waxa uu yiri "Ma qori karo". Waxa aan iri "Baraha
bulshada marka aynu ku jirno, wax aan qorno ma wayno. Qoraal aynu soo tarjunnay,
muuqaal aynu erey kasoo xadnay iyo maalintaa wixii dhacayey un baan ku maaweelan
jirnay". Si kale waxba kuma fahantid eh, fadhi ku dirirkii maqaaxiyaha oo 24
saac soconaya baynu meesha ku haynay. Haddii wax nuxur leh la'is oran lahaa, 30
sano ila meereysadaan kuma jirneen. Sidaa awgeed, dadka badankii halka ay ku
foogganyihiin in aad ka weecatid tijaabi.
Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...
Comments
Post a Comment