Skip to main content

Wax dhaqaaji!

"Maandhoow in wax la billaabaa door roon" ~ Awoowe Xaaji Dayib
Todobaatan jir dhaqan u leh in aysan salaaddu shanta masaajidka ku seegin marka aad weydiiso "Xigmad aan kaa gunto ii sheeg awoowe?", waxa uu kuu sheego iyo ficilkiisa marka aad u fiirsatid, waxa aad baranaysaa darsi nololeed tobanaan sano ku yimid howl maalinkii shan jeer lagu guuleysto. Awoowgay Xaaji Dayib marka aan nidaamkiisa nololeed, gaar ahaan salaadda u dib u milicsado, waxa uu isoo xusuusiyaa xadiiskii Nebigeenna Muxammed Nabadgeliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee micnihiisu ahaa in uu Nebigu gurigiisa marka uu joogo howlaha guriga ka qeyb qaadan jiray, balse marka salaadda la gaaro uu hal mar dhaqaaqi jiray sida in uusan isagu na aqoon, innaguna aan isaga aqoon. Awoowe uma aabbo yeeli jirin daal, xanuun, kulayl, tabar darro, tuugo in ay hesho, salaaddana waxa ay u ahayd tiir-dhexaadka noloshiisa.

Haddii aan usoo laabto ujeedka qormadaydan, waxa aan isweydiiyey "Markii aynu carruurta ahayn, habeenka ka horreeya maalinka cidda ayaa ugu dheeraa, waayo subax farxadeed ayuu naga fogeyn jiray. Dhadhanka xiisaha leh waxaa gundhig u ahaa in berri tahay maalin howlo badan oo aannu u madax bannaanahay aan qabsan jirnay. Imika waxa noloshayada xiisaha ka qaaday mala dhihi karaa waa in aysan jirin howlo aannu u madax bannaanahay oo qabashadeedu xiise inaku hayso?"

Si aynu bal wax un u bedelno, aynu isku xukunno in aan howlo badan dhaqaajinno. Salaadaha aynu aqinka tijaabinno in aan masaajidka haleelno, amaba meesha aan joogno ku xiranno. Ha jiro Buug aan billowno kol aan maalinkiiba hal bog aan ka akhrinno, cashar maaddo aynu xiiseyno YouTube ama meel kale aannu ka billowno, ganacsi yar oo hal shey aan iibinno Online (Facebook, Twitter, Instsagram, Whatsapp) aan ku iibinno, Push-up maalinkii 3 xabbo aan samayno, waalidka iyo qaraabada isbuucii (jimcada) ugu yaraan aan wacno. Arrimahaa aan dhaqaajinnayna ha jiraan wax aan kusoo xusuusanno, sida awoowe uu aadaanka salaadda u xusuusin jirnay. Ha jirto wakhti aan howlahaa qabsanno, haddii illowshiiyuhu inagu badanyahay, aynu Alarm-ka telefoonka ku xirno xusuusiye inaku baraarujiya howlihii aynu dhaqaajinnay.

وقل إعملوا فسير الله عملكم ورسوله والمؤمنون.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...