Tan iyo burburkii kadib, waxaa ummada Soomaaliyeed maankeeda ku samaysmay caqabad adag oo sokeeye iyo shisheeyaba ku duraan, waa 1991. Xilligii aynu noqonnay tusaalaha caalamiga ah ee burburka. Intaa wixii ka dambeeyey, halkii ma aynu joogin eh waxaa jiray dedaallo badan oo loo galay in dib loo yagleelo dowladnimo Soomaaliyeed oo ku fadhida dhidibbo adag. Kolba meel ha joogtee, waxa ay maanta maraysaa halkii ay ugu fiicnayd oo ku timid qori isu dhiibkaa dalka lagusoo waday.
Waxaa yaab leh, markasta oo ay timaaddo caqabad siyaasadeed, maxaa loola soo boodaa 1991? Dadka la soo boodayaase ma waxa ay u tahay natiijada keliya ee ay ku biyo shuban doonto haddii aanan caqabaddaa laga gudbin?
Weydiimahan xeesha dheer waxa ay garaadkayaga ku carinayaan in aannu ka doodno arrimo ay ka mid yihiin:
1991 ma waxa ahayd maxsuul ka dhashay gabood falladii dowladdii kacaanka ay u geysatay ummadda Soomaaliyeed. Mase waxa aynu fulinaynay qorshe naga weyn oo lagu doonayey in qarankii lagu dumiyo - Eeg hadde waa qaran ee ma aha qof meesha laga saaro. Mase waxa aynaanba lahayn sooyaal lagu hirto oo xilligaa ka horreeyey, oo haddii dowladnimadu si un u hirgasho, caqabadna timaaddo xalku uu noqonayo un sidii 1991.
Arrimahaan aan kor ku sheegay iyo kuwo kaleba doodaha ku xeeran waxa ay keenayaan in aan 1991 si xeel dheer u dhuuxno, sidoo kalena aan kaba gudubno oo isweydiinno sawirka dowladnimo ee ka horreeyey kacaanka sidee ayuu ahaa.
Sida ay ila tahay, burburku waxa uu nagu naga dhigay dalambaabbi aanan garanayn wax ka horreeyey 1991, waxaana intaa dheer in aynaan helin kayd sooyaal oo si weyn ugu milan garaadka bulshadayada, taas oo aan ku dhihi karno "1991 ka hor sidaas iyo sidaa ayaannu ahaan jirnay."
Dadka Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin sooyaal kooban oo dowladnimo, aynu u badantahay intii kacaanku jiray, fahanka aannu haysannana uu ka koobanyahay dimuquraadiyadda caalamku ka sheekeeyo oo dhegtaa aannu ka maqalnay iyo kacaanku sida uu wax u dhaqi jiray oo aannu ula baxnay "beri samaadkii", wakhtiga hadda la joogaana aynu noqonnay dad marka ay cabbirayaan dowladnimada aanan haysan qeexid dhab ah oo ku dhisan sooyaalkooda. Taasna ay ka dhalatay in aynu ku hadaaqno oraahyo aanan macne dhab ah ku fadhin sida "Keligii talis", "Regime", "Qaran", "Dowladnimo", hadalkeennuna u egyahay ilmo yar oo hadaaqaya, balse aanan garanayn micnaha waxa uu sheegayo.
Ugu dambeyn, aqoonyahanka qiyamka leh, siyaasiga damiirka leh iyo ruugcaddaaga ammaanada leh uma suubbana in ay horboodaan hadaaqa bulshadayada wareersan, balse waxa ay ammaanada aqoonta iyo waayo aragnimadu faraysaa in ay u fariisiyaan bulshadooda hingaadda siyaasadda, dowladnimada iyo qarannimada, si aynu u helno bulsho waxa ay sheegayso fahansan oo ka kortay in ay ereyada afka loo geliyo ku hadaaqdo, waana sida keliya ee aynu si miisaaman oo ka mug weyn 1991 bulshadayadu u fahmi karto waxa dowladnimo tahay.
Comments
Post a Comment