Skip to main content

Ku adkee!

"Ilbaxnimadu waxa ay ka dhalataa firaaqo" ~ Minguurin Sideedaba nafta waxaa u fudud in ay wax xumayso. Aad iyo aad bay u adagtahay in aad wanaagsanaatid. Waayo wanaaggu ma aha wax qofku isaga dhasho, balse waxa ay ka timaaddaa qof fahan xeel dheer u leh falcelinta ka dhalanaysa waxa uu ku koco, taasina waxa ay u baahantahay aqoon, garasho iyo dadnimo. Innaga oo awalba iska ahayn bulsho reer Guuraa ah, waxaa noo raacay jaahwareer ka dhashay miyigii oo aan kasoo tagnay, magaaladiina aynu afgambi ku qabsannay. Waa halkeennii eh "Wiil tuulo ku dhashay magaalaa gaari ku jiiraa." Noloshu aad bay u adagtahay. Ninka dukaanka leh macaamiishiisa masoo dhaweeyo, marka uu wax ka gadanayana cagajiid, waji kuduud iyo canaan buu isugu daraa, maba yaqaan wax la yiraahdo "Customer Care", dadkuna waa noociisa, sidaasay ku wataan, dhibna uma arkaan dhaqan adeygiisa iyo macaamil xumadiisa. Macallinka dugsiga ee aanan ardeyda si arxan darro ah u uleyn, ciyaalkuna aysan ka kaadshin, macallinba looma yaqaan, mana aysan gaarin risaaladii Nebiga Nabadgeliyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee ee oranaysay "Nagama mid ah keenna aanan u turin ubadkeenna, waayeelkeennana aanan maamuusin". Si kale waxba uma fahmi kartid eh, waxa falsafaddiisu ay ka duulaysaa maahmaahdii Carbeed ee oranaysay "Dameerku, wax aanan ul ahayn kuma socdo", ardeydu waa kadin dameero ah oo xero ugu dayran, kadabkooduu jaraa, waalidkuna waxa ay siiyeen afiso "Macallin, dubka adaa leh, anna lafahaan leeyahay." Bal suureyso ilmaha waxaa lagu anqarinayo xaggee buu u ciirsanayaa? Cilmiga lagu qulaaminayo se, jacayl iyo xiise ma u baranayaa? Siyaasigu, kaasaa ugu daran eh, miyigii waxaa siyaasad noogu horreysay - Ciddii soo gaartay, kacaankii. Wallaahay haddii aadan guulwade ahayn, kacaan diid baad tahay, liin baadna ugu dambeyn xabsiga ku cabbi. Madaxda aanan shacabka cabburin waa niman aad u jilicsan, dadnimana looma hayo. Adiga caadiga ah ee akhrinaya ayaaba si fog ay maankaaga uga daadagsantahay, mana taqaannid quraafaadkaa meesha aad kala timid, waxaana dhacda in aad ku maahmaahdid "Soomaalidu ma xishootee way baqdaa." Waa ummad dhimrintu ay aad uga liidato, ninka marwadiisa shuushaamiya, waxay dhahaan "Ar waa sixratay, geed buu ugu xiranahay." Marka la rabo in dumarka la bajaqiyo loo meel daydo waxaa lagu maahmaahaa "Ninkii xanan u dhiga, xariir bay u dhigaan, ninkii xariir u dhigana xanan bay u dhigaan." Intaas aan uga haro, wixii kale adigu meesha bannaan ku buuxso, waxaanse kuusii qaddimi natiijada kuusoo bixi doonta oo ah "Ku adkee" Haddaba dadka noocaa ahi goorma ayey gaari doonaan marxalad noloshu macaantahay, dadkuna aanay isku adkeynayn. Qofka dedaalana loo sacbinayo, billad la siinayo, taallo loo qorayo, buug laga allifayo? Waa bulsho si xeel dheer u burburtay, daallan, xaalkooduna waa "Nothing to lose" Waxaana ay ku cayntaan diinta Islamka ah oo xoogaa nuxur yar oo ay kusii luudaan siisay, ma ahee waa hore bay sidii cawaantii is diiran lahaayeen.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...