Skip to main content

Silsiladdii Daaca-Qurun - Qeybtii 1aad

"Dadka qaar marka ay noloshu u fududaato ayey dadka kale ku adkeeyaan, halka qaarka kale iyada oo ay ku adagtahay misana ku dedaala in ay dadka kale nolosha u fududeeyaan." Soomaalidu waxa ay soo martay marxalad adag oo soddon jirsatay. Dadkii joogay qaarna waxa ay ka shaqeynayeen in xaalku sii adkaado, halka qaarka kale ay u weelqaadayeen bal wax un in la amaamudo. Xilli waxaa jiray dadku sinnaayeen, gaajo iyo oon loo le'anayey, rasaas iyo colaad aanan waxweyn ku fadhin huf la'isaga dhigay, firxadkii ka dhacayna uu afarta gees ee dunida tagay. Carab iyo Cajam midkoodna nooma gurman, qarankayagii dumayna - Suu rabo ha ahaadee, si xarrago leh bay dunidu u daawatay dumitaankiisa. Waxay isdaba socotaba nin iyo dadnimadii waxbaa meelwalba laga dhaqaajiyey. Dowladnimada rag baa u qalab qaatay, aqoonta kuwaa jeeso u xantoobsaday, ganacsiga qaar kalaa dabakaayooyin u furtay, caafimaadka wixii wax yiqiin baa silinge u cabbeystay, waxaas la wad-wadayna ninba dadnimadii, aragtidii, garaadkii buu meel wax soo gaarsiiyey. Maantay ma jirto maalin aan ka tabar iyo taag roonnahay, misana talo iyo garaad maantaan ugu liidannaa. "Ilbaxnimada waxaa sameeya geesiyaal, waxaana dumiya doqommo ay dhaleen." ayaa nalagu sifeyn karaa. Dhagweyn baan nahay, mana kala ogin cadow iyo saaxiib, sokeeye iyo shisheeye, bahaahin iyo cayayaan layr loo shiday baan noqonnay. Runtu waxa ay tahay cid wax inoo ogol ma jirto, haddii la heli karo - in ay imanaysana macquule, jaantaa ILAAHAY na dhigay baa la'ina ka suulin lahaa. Waxaa yaab leh sida aan u hadleyno, waxaad mooddaa dad wax u kala haraan, maba ogin in haka dhabqanto meel walba la'inaka soo leeyahay. Waxaana noogu af dheer keennii ugu liitay, waliba isma weydiinno eh, mid ug-xantiisii dibedda taal oo haddii la rabo dibedda jooga ayaa inoo meerinaya kheyrka iyo sharka. Tan ugu daran baa ah nin walba waxa uu rabaa in uu tiisa aayad kaaga dhigo, tan kay is hayaanna kuugu tafsiiro in ay tahay laqwi iyo been abuur. Waxa aan qormadaan taxanaha ah ku beegsanayaa waaqica Soomaalida (Soomaaliya), waxa aanna ku faaqidi doonaa xaalka guud ee ummadayada haysta fursadaha, caqabadaha, awoodaha iyo khataraha. Cid gaar ah toosh ku ifin maayo - Saa warba kama hayee, balse waxa aan xoogga saari waxa Soomaalidu maantay awooddo, misana ay gabi ahaanba baal marsanyihiin.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...