"Cudurka kaa gala fardaha Haddii laga gubo dameer Dawada lama gaadho".
Sida aan qormadii hore qeybteedii dambe ugu tilmaamay, waxa aan rabaa in aan xaalka Soomaalida SWOT Analysis dariiqadda la yiraah ee qorshe dejinta lagu sugo ku cabbiro. Waxaana qormadaan ay noqonaysaa mid aan ku qeexayo mawaadiicda aan ka hadli doono, aniga oo saaraya dariiqadda SWOT. Saaxada Soomaaliya awoodaha ugu saameynta badan waxaa kamid ah kuwa siyaasiga ah, kuwa dhaqanka ah, kuwa diinta ah, iyo kuwa ganacsiga. Waxaana rabnaa in aannu dhanka kale eegno arrimaha kale ee saameyntooda wata, kuwaasna waxaa kamid ah halka aynu ku naal Juquraafi ahaan, fikirka iyo dhaqanka aan haysanno ummad ahaan, taariikhda iyo sooyaalka fog iyo kan dhow ee aan shinsanno, dad ahaan nooca aan nahay iyo sida shakhsiga Soomaaliga ah uu guud ahaan yahay. Sidoo kale waxa aan tooshka ku ifinaynaa ilaha dhaqaalaha ee aannu haysanno, kuwaas oo isugu jira kuwa dusha dhulka saaran, kuwa hoos ku duugan, kuwa badaha saaran iyo kuwa aannu ka dhalin karno dadkayaga iyo dalkayagaba. Intaa marka aannu isku miirno, waxa aan doonaynaa in aan dib u eegis ku samayno saameynta ay nagu leedahay maamullada aynu dhisannay, iyada oo laftooda aan saareyno SWOT-ka lafteeda, si aynaan u noqon dad caamo ah oo god madow inta gacanta loo geliyey, wixii uga soo baxay ku yutu'ay, waxaana doonaynaa in aan laabta u furno wax intaa ka mug weyn. Ugu dambeynna waxaan isla miiska saareynaa quwadaha caalamka iyo kuwa dariska ah, kuwa saaxiibka ah iyo kuwa balada nala maaggan, si aan uga baxno niyad wanaagga ay siyaasaddayadu ku socoto oo ah gabi ahaanba wax aad u khaldan sida uu leeyahay Dr. Nafiisi "Siyaasaddu waxa ay ku dhisantahay shaki ba'an iyo feejignaan". La soco qeybta xigta.
Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...
Comments
Post a Comment