"Quraan Alif ka khaldamay, al-baqra lagama saxo".
Sideedaba haddii aasaasku kharribanyahay, wax saxan in ay yimaadaan lagama yaabo. Dhanka kale, waxaa jirta xeer Fiqiga Islaamiga ah kamid ah oo oranaya "Wixii been lagu dhisay waa been". Sidaa awgeed, waxa aan si kalsooni ku dheehantahay oran karaa "Waxaa naga wareersan waa aasaaska dhan walba oo wax laga dhisi lahaa. Waxaana la'iskugu wareersanyahay baa ah in aanay jirinba wax aan ku kala baxno." Si marka aannu taa uga gudubno, waxa aan isku taxlujinayaa in aan dhidibbada u dhigo arrimo aasaasi ah aniga oo samaynaya qeexitaanno, misana ku laraya - sidii aan horayba u ballanqaaday, aragtidii SWOT. Aan ku billaabee maxay baannu innagu nahay?
Soomaali: Waa qowmiyad degta geeska Afrika oo leh dhaqan, af iyo diin mid ah. Sidoo kale waa qowmiyad u kala baxda qabaa'il, midab iyo muuqaalkana si weyn isaga mid ah.
Dhulka: Dhulka Soomaalidu waa dhul isugu jira mid ay iyagu si madax bannaan u leeyihiin iyo mid dowladaha deriska ah ay boob ku haystaan dadkiisa iyo dhulkaba, waxaana uu u saaxiib yahay xeebta ugu dheer ee Geeska Afrika.
Sooyaal: Soomaalidu waa qowmiyad fac weyn, waxaana ay leeyihiin dhaqan iyo sooyaal aad u fog. Inkastoo ay u badantahay taariikhdoodu mid aanan qornayn, misana waxaa ay si xooggan uga dhex muuqdeen xadaaradihii ka jiray Afrika, gaar ahaan xadaaraddii Fircooniyiinta.
Qormada xigta waxa aan ku qaadaa dhigi doonaa nidaamka Siyaasiga ah ee dalka ka jira maantay. Waxa aanna saari doonaa SWOT si ay noogu iftiinto waxa cidda aan sugayno halka ay noo waddo iyo sida ay wax u waddo.
(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...
Comments
Post a Comment