"War la helyaaba, talo la hel"
Waa maahmaah aad u qiimo badan. Balse aannu isweydiinno, warkasta oo aan heleyno, ma yahay warkii saxda ahaa? Qofka noo warinaya iyo cidda uu ka warinayo xiriir noocee ah baa ka dhexeeya? Xiriirka ka dhexeeya noociisa saameyn intee le'eg buu ku yeelan karaa sugnaanta warka uu tebinayo?
Weydiimahaa iyo kuwa lamidka ah waxa ay maankayaga ku xirayaan shaandho kala miirta waxwalba oo aan maqleyno, waxaana laga yaabaa haddii aannu jawaab u helno, in sheekada naloosoo wariyeyba ay yeelato waji kale.
Haddaba, Warbaahintu waa awood kamid ah awoodaha dalalka lagu hago. Balse burburku waxa uu na baray in awooddaa ay hoggaamiyaan shakhsiyaad ka arradan aqoon, ammaano, aragti dheer iyo anshax. Taas ayaa keentay in ay galaan dadka meel ay aadaan garan waayey. Askariga, Weriyaha iyo Macallinka waa saddexda jago ee la dhihi karo waxaa gala qolada la yiri "Ma liibaanayaasha lagu liibaanay".
Taasi waxa ay keentay in ay soo baxaan "weriyeyaal" quudiya qaaxooyinka bulshadeenna curyaamiyey ee leh qabyaaladda, kala irdhoobidda iyo kuwo kaba macaasha ceebaha iyo fadeexooyinka, waana sababta ay fara ku tiriska u yihiin weriyeyaasha warbixinnadoodu lagu kalsoonaan karo. Dhanka kale waxaa aad u yar weriyeyaalka heerka ka gaara dhanka saxaafadda oo ay gaaraan heer ay soo saaraan warbixinno dunidu xigato ama warbaahinta caalamka qaataan ama kaalin ka qaata iftiiminta sida waddanku wax uga socdaan.
Intaa waxaa dheer, dalkayagu waxa uu kujiraa marxalad kasoo kabasho burbur, qofka weriyaha ahna waxaa uu kaalin weyn ka qaadan karaa dib u dhiska. Balse nasiib darro weriyahayagu iimihii hore ee aan soo sheegnay waxaa udheer in aanu helin dardaarankii Professor-ka Sudaniga ah uu siiyey saaxiibkay oo soo bartay saxaafadda oo ahaa "Dalalkayaga wax badan baa ka burbursan, warbaahintayadu waa in ay aad u muujisaa waxa yar ee noo saxan." Sidaa awgeed, wariyuhu waa in uu noqdaa weriya muujiya wanaagga, dhalliila musuqa, xoojiya nabadda, kor uqaada bilicda, dhiirrigeliya ganacsiga iyo hal'abuurka, kana fogaadaa in uu boholaha musuqa iyo dib u dhaca, warbixin walbana ku saleeyaa dardaarankii Professor-ka Sudaaniga ahaa.
Comments
Post a Comment