"Bulsho raasumaalkeedu waa inteeda shaqada jecel, ee habsamida u shaqeysa, hal'abuurna ku darta" ~ Ibnu Khalduun
"Waxba aqoonyahan lama oran karo qofku haddii aanu dadkiisa ugu adeegeyn. Bulsho walba inta wax u baratay baa ciil tirta." ayaan ku iri saaxiibkay Shaywaal oo aan ka sheekeysanaynay mashaariicda gurracan ee aqoonyahankeennu gunnada yar ku soo qaato, si bulshadayada loo qabatin siiyo hadal haynta anshax-xumada iyo fasahaadka.
Dadka noocaa ihi, ma isweydiiyaan halka ay ku biyo shubanayso natiijada ka dhalata afkaarta nabaad guurinaysa dhaqanka, anshaxa iyo diinta. Isma weydiin miyaa in xoogaaga yar ee ay qaadanayaan uu yahay xarig del-delaad oo marba marka ka dambeysa bulshada iyagu u horreeyaan uu jiritaankooda soo afjaraya? Innaga oo aanan inkirayn waxtarka aadantinimo, misana waxaa noo muuqda waxa hoos hullaabanaya mashaariicdaas. "Ka hortagga cudurrada galmada laga qaado waxaa lagu hoos wadaa caar-saab fududaynaya tumashada", Farriintaan tusaale ahaan u hayso oo barbar dhig barnaamijyada bulshada lagu wacyi gelinayo si loo wacyi dilo.
"Gashaanti aamus baa lagu meheriyaa." oo "Waxa aad qarsatid waa ku qarsadaan" kaca oo ka dhiidhiya dhallan rogga inagu socda.
Comments
Post a Comment