Skip to main content

Daahir Calasoow iyo Kabtan Ayuub

 "Xoog waxaa ugu liita, midka xargaha kaa gooya". ~ Maahmaah


Walaalleyaal nabadgelyo korkiinna ha ahaato, waana is xusuusinaynaa eh, 10kii dambe ee Ramadaan baa lagu jiraa, waliba caaway waa 23 oo Leylatul-Qadriga ILAAHAY ha inoogu aaddiyo. Walaalleyaaloow, labo nin oo Reer Mudug ah oo cod karnimo iyo aftahannimo isku darsaday baad tihiin, majlis walbana warkiinnaa lagu hayaa, balse aan mid idin xusuusiyo. Soomaaliya gobollada maantay ugu horumarka liita Mudug baa kow ka ah, dadkii u dhashayna Dibedda ayuu kii ugu shisheeyey jiraa, dalkana Xamar iyo Boosaaso ayey naftoodii ku aamineen, labadiinnaana tusaale ugu filan Mudug xaalkeeda oo wa idinkaa Yurub u qaxay. Sababta aad halkaa u tagteenna waa colaad ma dhalays ah oo milil iyo malax quluubta degtay gaartay oo dad wada dega oo aanan dabka kala qaadan idinka dhigtay, haddii aad loo sii daba galana wax weyn oo cadaawad heerkaa le'eg ah idinma dhextaal oo waligeed buu Aadane is laynayey, waadna ogtihiin Afrika kuwo malaayiin iska laayey baa nabad qaatay oo heshiiyey, kartiduna waa qofkii awooddiisa u kaashada in uu naftiisa xadgudubka uga xakameeyo, waana fasirkii Xadiiskii Nabigeenna (Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).

Ilma adeerrayaaloow, hadal ku kala adkaan maysaan ee waxa aan idin kula talinayaa in aad marka 1aad halkaa ku joojisaan colaadda aad hurinaysaan oo aad ILAAHAY ka yaabtaan, aakhirana xusuusataan, qof Muslim ah waa kii marka ILAAHAY la xusuusiyo isgaran jiray eh. Marka 2aad boqollaalka kun ee baraha bulshada idinkala socda uga faa'iideeya in ay dalkooda jeclaadaan oo walaaloobaan, cadow badan baa dalkeennu leeyahaye aanu naga faa'iideysan, haddii ay macquul tahayna aad dhaqaale ururin u samaysaan Ciidsiinta Agoonta, Dhismaha Isbitaallada, Dayactirka Jidadka, si ay idin ku noqoto sadaqo iilka idinkugu soo dhacda oo aanan dhammaan. Marka 3aad casriga aan joogno dunidu Tiknolojiyad bay ku tartamaysaa ee in aad taariikhda Soomaaliya miisaan ku yeelataan idinka oo de'yarta idinku xiran aad uga sheekeysaan sirta Reer Yurub ay dunida ku hoggaamiyaan oo aad soo tebisaan aqoonta, hal'abuurka, ganacsiga, dalxiiska, caafimaadka iwm, oo walaalleyaaloow waa tii Reerkii Dibedda qof u jiro ladnaan jiraye, ummad dayacan baad u maqantihiine, u damqada oo ha isku dirinina oo hakala dilinina oo Ilmo Xalaal baad tihiine dulucda hadalka eegoo, dadkiinna darxumada kala dirira.

وبالله التوفيق

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...