Suubanaheenna Muxammed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri "ALLE aqoonta kuma tirtiro isaga oo laabaha dadka ka masaxaya, balse waxa oofsadaa aqoonyahanka, jeer aanan wax aqoon lehba la arag, markaa ayey dadku madax ka dhigtaan waxmayaqaan, markaa ayey lumaan, dadkana lumiyaan".
Laga billaabo siyaasadda, ganacsiga, diinta, dhaqanka, arrimaha bulshada, warbaahinta iyo aqoonyahanka badankii, Soomaalida maantay wax aqoon wax ku maamula aad bay u yartahay. Nidaamkeenna siyaasiga ah 4.5 buu ku dhisanyahay, waa qabiil oo haddii aad Ph.D wadatid, wasaaradda waxaa macquul ah in loo dhiibo nin qabiil ahaan mudnaanta kaaga heley, ganacsigu waa sidoo kale, diinta firqooyinka kala duwan isjiidka ka dhexeeya ayaa ka muhiimsan xaqqa cidda ku hadlaysa, dhaqanku waa dhaxal, haddii doorashada timaaddana aqoontu kuma jirto sifooyinka wax lagu doorto, arrimaha bulshada si guud cid u shaqeysaa ma jirto, dhammaan ururrada arrimaha bulshada ka shaqeeya waxa ay noqdeen kuwo u xagliya hadba ciddii ururkaa hoggaamisa danteeda gaarka ah, warbaahintu awalna mid tayo leh oo aragti qaran ku dhista saameynteeda wacyiga bulshada ma jirin, imikana waxaa soo baxay shakhsiyaad baraha bulshada xiddigo ka ah, kuwaas oo isku dirka qabiilka, caadifadda kicinta, fadeexooyinka, xanta siyaasadda nin tooxsiga ku dhisan ka raadiya helidda dad badan oo ku taxan, aqoonyahankuna waa "Ina be'yaddiisa" oo tabta waaqicaa ku xeeran buu ka duulaa, aslanna ma jirto mabaadi' lagu barto goobaha waxbarashada oo aqoonyahanka bulshada usoo baxaya ka hufaysa in uu dacda bulshadiisu walaaqanayso ka dhowrsado, meel ka sarreysa halkaana wax ka eego.
Sannad walba waxaa noosoo baxa kummaan jaamici, balse waaqicu waa kasii darayaa, sababtoo ah, ma jiraan aasaasiyaad uu aqoonyahanka curdinka ah wax ku dhiso, keliya waxaa u muhiimsan in uu helo fursad shaqo, lagana yaabee in uu noqdo awood ay adeegsadaan inta rabta in aynaan ka hinqan burburkan na ragaadiyey, dhanka kale waxa uu hiigsadaa qolyaha aan kor kusoo sheegnay, waayo caalamkiisa yar iyagaa u door-roon amaba waxa uu naawilaa in ay aqoonsi uu ka helo, si uu bal tareenka nolosha dhinac un ugasoo qabso. Odey shaqo geeya, siyaasi ku shaqeysta, wadaad koox ku dara, ganacsade dhiigiisa miirta, NGO xoogaa ku cuna, warbaahin fadeexadaha uu la faafiyo, ama aqoonyahan aanan waxba dhaamin oo xoogaa un kasii horreeyey, isaguna uu cadaabta bulshada kusoo dhaweeyo.
Xaalkayagu waa sida xadiiska kore uu dhigayo "Hoggaan habowsan oo na hagaya".
Comments
Post a Comment