Islaantu waa diidday, waana lasoo marsiin waayey. Markii hore ayey runta u sheegtay oo dadka hortooda ayey ku tiri "Kuma rabo". Intaa kagama uusan harin eh, laba jeer ayuu gurigeeda ugu tagay si uu kalsoonideeda u helo, balse labadii jeerba waxa ay ku tiri "Codkayga iyo kalsoonidayda waxaa leh Erdogan, isagaana u codeynayaa. Waxa aan rejeynayaa in uu halkaan igusoo booqdo". Waa islaan u dhalatay dalka Turkiga oo Duqa Magaalada Istanbuul Ekrem İmamoğlu ka quusisay in uu kalsoonideeda kasbado kaddib markii ay kaamirooyinka qabteen islaantaas oo Duqa ku leh "Erdogan baan u codeynayaa". Si uu kalsoonideeda u helo ayuu laba jeer isaga oo warbaahintu galbinayso gurigeeda tegey si uu ugu qanciyo in ay isaga taageerto, sumcaddiisiina uu soo ceshto balse arrintaa labadii jeerba waa uu ku fashilmay. Waxaa xusid mudan in Mr. Ekrem uu ka tirsanyahay Xisbiga Shacbiga Jumhuuriga ah ee dalka Turkiga, ururkaas oo dalka gacan bir ah kusoo dhaqayey muddo dheer, taas oo ahayd marxalad keligii talisnimo iyo musuq baahay uu dalkaa ragaaday, waxaana intaa dheer in duqa imika lagu haysto kiisas musuq ah oo uu faraha kula jiro. Labo sano kadib, Islaantii waxaa gurigeeda kusoo booqday Mr. Erdogan, waxaana ay ahayd maalin farxadeed oo Islaantii riyadeedii ay rumowday.
Burburkii dalka kadib, odeyga Soomaaliga ah waxa uu usoo joogay musiibooyin ku filan in uu kala garto burburka dhibta uu leeyahay, waxa kale uu xambaarsanyahay xusuus qurxoon oo nabadda iyo qarannimadu lahayd, balse qaar badan oo kamid ah ma yeelan garasho ay ku diidaan waxa Soomaaliya maantay halkaa dhigay, waxa ay ku suntanyihiin dhiirrigelinta musuq maasuqa iyo laaluushka, waxa ay hoggaamiyaan qabyaaladda iyo kala qoqobka, qaarkoodna weli kama aysan tanaasulin hub in ay u qaataan, cimaamaddana u tuuraan aanooyin hor leh iyo hurinta colaad la'isku marto.
Comments
Post a Comment