Skip to main content

Ma gaarnay biseyl ku filan in aan si xeel dheer u wada hadalno?

 قال الله تعالي

لَّا خَيْرَ فِي كَثِيرٍ مِّن نَّجْوَاهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَاحٍ بَيْنَ النَّاسِ ۚ


Laga billaabo heer dowladeed, illaa heer shakhsi, in loo hadlo si kal bannaan bilaa gabbasho ah weli ma aynaan gaarin. Khuraafaadka ku dhisan dhaqanka, diblumaasiyadda, xeeladaysiga iyo laba boglaynta, waxa uu keenay in natiijo guul leh laga gaaro isjiid-jiidka bulsho ee naga dhexeeya.

Raggu uma sheegtaan marwooyinkooda baahiyaha ay qabaan, dumarkuna sidoo kale. Taasu waxa ay keentay in qoysaskeennu burbur xooggan uu soo gaaro, iyada oo ninka lagu guubaabinayo in dumarka la bajaqiyo, dumarkana lagu guubaabiyo in ninka la xiniyo siibo. Qabiilladu iskuma caddeeyaan waxa ay kala tabanayaan, sida ay iska aaminsanyihiin, waxa ay isku qirsanyihiin iyo waxa aysan isu ogoleyn. Waana sababta aanooyinku aanay u joogsan oo marwalba qabiilladu gamta isku haya. Maamullada siyaasadeed iyo siyaasiyiintu runta isuma sheegaan, ninwalba damaca ku jira si aanan loo ogaan, intaas oo geed buu iskusoo jiidaa si uu ujeedkiisa qarsoon ugu hirgalo. Waana sababta beesha caalamka ah la'aanteed aynu u dhaqaaqi la'nahay, "ila meereyso" ayuu kusoo koobay ninkii Reer Soomaalilaan ee qeexay siyaasadda Soomaalida.

Si loo gaaro daawada, waxaa khasab ah in la ogaado xanuunka. Lamana ogaan karo xanuunka, inta wax lakala qarsanayo, la'isu mujaamalaynayo. Waxaa loo baahanyahay waxa la yiraahdo "Turxaan" oo ah dhaqan ay leeyihiin qoys kamid ah qoysaska Soomaaliyeed oo nin saaxiibkay ah uu ka dhashay, waxaana uu ii sheegay in qoyskoodu marka ay shirayaan lagu billaabo in qofwalba oo qoyska kamid ah oo qof walaalkii ah ay wax dhexmareen, tabashana uu dareemayo uu sheegto, si qofka wax laga tabanayo u ogaado khaladka uu geysto, kadibna uu ka raalli geliyo wixii uu ugeystay, arrintaasna ay tahay qodob muqaddas u ah qoyska si loo helo caafimaad iyo laab xaarnaan ka dhaxaysa dadkaa wada dhashay.

Bronnie Ware qoraaga buugga The Top Five Regrets of the Dying waxa ay qodobka 3aad ka dhigtay in ay kamid tahay walxaha dadku marka ay sii dhimanayaan ka shallaayaan in ay jeclaan lahayeen in ay yeeshaan karti ay dareenkooda iyo waxa ay qabaan ku cabbiraan. Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa "Nin aamusan hooyadii qadisay".

Waxa aan rejeynayaa in aad ila fahantay in aan baahi weyn u qabno gaaridda biseyl aan ku wada hadalno, taas oo la'aanteed curyaamisay geeddi socodka nolosheenna siyaasadeed iyo middeenna bulsho.

Marka xiga isku day in aad sidii hore ka duwan in aad ula hadashid cidda ay wax idinka dhexeeyaan, iskuna khasab in aad bareertid, waxa aad dareemeysidna in aad sheegtid, sidoo kale ku dhiirrigeli qofka kale in uu isna dareenkiisa cabbiro. Madal ballaaran haddii aad tagtidna u sheeg bulshada in marka hore loo baahanyahay "Turxaan" si loo gaaro daawada dhabta ah ee la wada doonayo.

وبالله التوفيق

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...