"Haweeneyda nasabka ahi ma dhillaysataa?" ~ Hind Binu Cutbah
Jimcaysigii galabtay aniga iyo qoyskeyga ayaa waxa aannu kusoo gunaanadnay cashada in aan dibedda kasoo qaadanno. Ruxanka gaariga awgii ayaa waxaa dhacday in gabdhahaygii ay ku dhex hunqaacaan gaariga gudihiisa, kadib markii aan soo gaarnay meheraddii aannu cashada ka qaadan lahayn. Marwadayda oo gabdhaha ka hagaajinaysa hunqaacada ayaa waxa ay adeegsanaysay telefonkeeda si ay wax ugu ifsato, aniguna waxa aan doonay cashadii. Waxyar kadib xaafadda ayaannu nimid, waxaana la'is weydiiyey telefonki marwadu ifsanaysay. Waxaa noogu dambeysay meeshii aannu cashada kasoo qaadanaynay. Markii aan xaqiiqsannay in telefonkii maqanyahay, ayaan ku noqday halkii, dhanka kale waxa aan wacayey telefonkii oo la damiyey. Nasiib wanaag markii aan gobtii tagay ayaan mar kale wacay, waana la'iga qabtay. Gabadh baa iga qabatay, waxaana mooday in ay tahay marwadaydii oo telefonkii meel kale ka heshey, balse waxaan xaqiiqsaday in ay tahay gabadh kale. Waxa aan ku iri "Qoladii telefonka qaadatay miyaad tihiin?" Waxa ay iigu jawaabtay "Ma tuugaa na moodday?" Waan dejiyey, waxaana u sheegay in ay telefoonku naga lumay, waxayna ii sheegtay in ay isla goobtii aan ku tuhmaynay ay ka heleen. Tilmaan kadib, gabadhii heshay iyo inan kale oo la socotay ayaan kulannay, si sharaf lehna ayey ii guddoonsiiyeen baadidayadii, waana uga mahadceliyey sida gobanimada leh ee ay noogu simeen.
Gunaanad
Qofku marka uu gob yahay, damiirkiisa iyo qiyamkiisana ay noolyihiin, uma quuro naftiisa in loo tiiriyo sifo liidnimo ah. Ereyga "Ma tuugaa na moodday" waa erey aad u xeel dheer, waxa aan ku maslayn karaa gabadhii uu Cumar Binu Khaddaab wiilkiisa u doonay ee hooyadeed xusuusisay in ILAAHAYGII Cumar uu u jeedo haddii ay caanaha baraxdo.
Comments
Post a Comment