Skip to main content

Qoraagii Buugga "Damac Shisheeye iyo Dareen Maqan oo geeriyooday"


 General Cali Ismaaciil Maxamed oo ahaa sarkaalkii ugu de'da yaraa ee ka mid ahaa saraakiisha Qaranka Soomaaliya ee qaata derejada General ayaa lasoo sheegayaa in uu ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaa oo uu arrimo caafimaad muddooyinkii u dambeeyey ugu maqnaa.

Haddii aan dib u milicsado buuggiisii "Damac Shisheeye iyo Dareen Maqan", Generalku waxa uu aad uga hadlay faragelintii dowladaha shisheeye, gaar ahaan Itoobiya. Maalin dhaweyd ayey ahayd mar aan ka fekerayey in buuggaa dabcad 2aad laga sameeyo, maadaama uu jiro isbedello kala duwan oo ku yimid mawduuca uu buuggu daarranyahay.

Waxaa 20-ka bishan 5aad ee 2021 loo ballansanyahay qaabkii dalka ay uga dhici lahayd doorashadii dowladda federalka, waxaana xusid mudan in arrintaas ay ka dhalatay ismari waa ka dhexeeya maamullada dalka qaar sida Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo Dowladda Federalka, Maamulka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo dhinac ahaa, balse markii dambe dowladda Federalka ah ay qaadatay go'aan 2 sano oo lagu hirgalinayo doorasho qof iyo cod ah, kadib fashilkii ku yimid wada hadalladii u dhexeeyey labada garab. Arrintaas oo dhalisay in qaar kamid ah murashixiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo garab siinayey Gen. Saadiq Joon oo ka gadooday in 2 sano lagu daro, kadibna xilkii laga xayuubiyey uu ciidan taabacsan Mogadishu ka sameeyeen qalalaase khal-khal geliyey amniga magaalada, taas oo beesha caalamku si adag uga falcelisay, dowladda dhexena ku cadaadisay in ay ka laabato ku darsiga 2-da sano. Ugu dambeyn arrinkaa dowladdu waa aya qaadatay, waxaana loo ballansanyahay.

Isjiid-jiidka siyaasadeed ee dalka waxaa loo aaneynayaa in ay dabada ka riixayaan murashixiinta iyo maamullada qaar dalalka deriska ah sida Kenya iyo Imaaraadka  oo dowladda Federalku ay gaashaanka faragelinta ay ku hayeen siyaasadda dalka. 

Imaaraadka ayaa faragelintiisa waxaa saldhig u ah in uu doonayo in uu maamulo dekedaha dalka ee dhaca  badda cas, halka Kenya ay faragelinteedu saldhig u tahay xuduud badeedka Soomaaliya ay la wadaagto, halkaas oo laga heley kheyraad badan oo shidaal ah, taas oo loo gudbiyey maxkamadda adduunka, sida illaa hadda wax ku socdeenna Kenya dooddeeda lahaanshaha aysan ku fadhin awood sharciyeed oo xooggan.


Comments

Popular posts from this blog

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu

Xaggee la'aadayaan? (Sheeko gaaban oo mugweyn)

Maalin dhawayd ayaa waxaan aaday suuqa si aan ugasoo adeegto, waxaana u tagay hooyo qudaar iibinaysa, waxaana ka iibsaday wixii aan uga baahnaa markaa, kadibna waxaan weydiiyey meeshii aan lacagta ugu xawili lahaa, safiito yar oo korkeeda ku mus-maarnayd bay ii tilmaantay, "Hooyo halkaa ku dir", bay itiri. Markii aan diray baan weydiiyey in ay iga hubiso in lacagtu soo gaartay. Nin dhallinyaro ah oo isna meesha ka adeeganayey bay tiri "Hooyo ii eeg in uu lacagta ii diray". Waan tusay yarkii, waana uu u xaqiijiyey in lacagtii u dhacday. Maamadii baan weydiiyey "Hooyo teleefoonkii lacagtu kugusoo dhici lahayd meeh?!" Waxay tiri "Waa iga maqanyahay, ookiyaalihii aan wax ku fiirin lahaana ma wato hooyo". Anoo la kaftamaya ayaan hadalkii ku celiyey "Oo hooyo haddii aan aniga iyo ninkaan aad tiri ii eeg  horey isula soconnay oo aan kuusoo tashan lahayn, si fudud baan kuu dhici lahayne!!" Waxay itiri "Oo cidda aniga iisoo tashata oo i