Skip to main content

Aqoonyahanka Gaal Ismoodka ah!

Isaac Newton (Google Images)


 "َQofka aanan cannayn danaha Muslinka, kama mid aha". ~ Xadiis daciif ah, balse Micnihiisu sax yahay.


Markasta oo aqoonta la sii daba galo, waxaa ay keentaa in qofka uu aad ula falgalo ilbaxnimada, afkaarta, dhaqanka, hal'abuurka, suugaanta, sooyaalka cidda uu ku fogaado dheehashada aqoontooda. Tan iyo intii ay dunida hoggaaminaysay ilbaxnimada Reer Galbeedku, waxaa aqoonyahanka Ummadda Islaamka ah guud ahaan, iyo gaar ahaanba kuwa Soomaalida ah - Haba yaraadeena, jiray saameynta xooggan ee ay soo minguurinta afkaarta shisheeyuhu ku lahayd maskaxdooda. Waana sababta keentay in la arko shakhsiyaad badan oo u xusul duuban afkaaraha kala duwan ee siyaasadeed, kuwa dhaqaale, kuwa hab nololeed, qaarkoodna ay gaareenba in ay dalalkooda fikirkaaga uga sameeyaan ururro, goobo wax barasho, axsaab siyaasadeed, oo qaar dalalkooda ay la wareegeen. Inkastoo arrintan ay u baahantahay faahfaahin ballaaran, misana ujeedkaygu ma aha in aan ku sii fogaado. Keliya waxa aan aad u jeclahay in aan is xusuusinno in afkaaruhu ay ka dhasheen maan-dhuuxid ka dhalatay dhib jirtay, dheef la hiigsanayey, ama dhagar laga gaashaamanayey. Qofwalbana meel kasta ha joogee, waxaa u furan in uu isaguna maankiisa kaashado, kadibna u soo curiyo hal'abuur kala duwan oo ku dhisan duruufaha dadkiisa khuseeya, si aysan u noqon wax lasoo raray oo ummado kale khuseeya, taas oo keentay in aynu aragno dhaqammo gurracan oo dadka wax soo hinjiyey ay bulshadooda ku san dulleynayaan. Haddii aan u noqonno diinteenna macaan, Suubanaheennu waxa uu yiri (Nabadgeliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), "Waxa la'isoo saarayba un waa dhammaystirka dhaqammada suubbanaa."

Waxa aan kusoo gunaanadi, aqoonyahankayaga sharafta leh, waxa aan ku xusuusinayaa in aad tahay qofka keliya ee bulshadaada samatabixin kara. Sidaa awgeed, micne badan samayn mayso, haddii aad minguuris keliya bulshadaada aad ku anqarisid. Waxaa lagaaga baahanyahay hal'abuur ku dhisan dhib kamid ah kuwa bulshaada haysta oo u baahan dedaal badan oo jab iyo fashil wata, balse ugu dambeyn ku dhammaanaya natiijo waarta oo ay ku dawoobaan dadkaagu. Ma tihid aqoonyahan heer gaal ismood ah (Caalami) ah. Waxa aad tahay aqoonyahankii waddaniga ahaa ee keeni lahaa fikirkii dadkeennaan ciil tiri lahaa. Waana sida keliya ee aqoonyahanka "caalamiga ah" uu kusoo boxo, waayo ma jiro aqoonyahan u fekera caalamka oo idil waxa dhib haysta, keliya waxaa jira aqoonyahan dadkiisii u fekeray oo fikirkii caalamka loosoo shixnaday.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...