Skip to main content

Hadalkeyga maxaad usoo gaabisay?

From Google Images



Kafeegii saakay aan cabbayey wuxuu aha bilaa sokor. Yeelkeede, waxa aan is lahaa indhaha ku shido, waayo waxaa ii tiil howl u baahan maskax furan iyo fir-fircooni. Aniga oo bowd ciid guduud la xaaqay oo la rusheeyey fadhiya, koobkaygiina isku muquuninaya, ayaa waxaa meeshii mar qura yimid odayaal bulaamaya. Oday kamid ah raggii meesha joogay, waxa uu sitay sigaar aanan wali la shidan, taleefoonna waa uu ku hadlayey. Inkasta oo aanan sheekadiisii si fiican u dhuuxin, misana dhagahayga waxaa kusoo duulay isaga oo qofka uu la hadlayo ku canaananaya sababta uu warkiisa u gaabiyey. Waxa aanna u fahmay in uu la hadlayo qolo warbaahinta ka shaqeysa oo wareysi ka qaadday ama munaasabad uu ka hadlay cod laga duubay oo la baahiyey aanan warkiisii la wada baahin. Cabbaar haddaan sii fadhiyey waxaa raggii meesha yimid hadalkooda ka fahmay in uu jiro shir beeleed, kaas oo looga arrinsanayey aayaha siyaasadeed ee beesha. 

Meelaha noocaa ah, waxaa kasoo baxaya mawaaqif masiiri ah, kuwaas oo saameynaya bulsho dhan. Dadka tegeya goobaha noocaa ahna waxaa laga filayaa in ay yihiin dad garaadkoodu ka gudbay naftooda iyo baahiyohooda maaddiga ah iyo kuwa macnawiga ah. Waa runtaa oo haddii aad la yaabbantahay sida aan isu khaafinayo, aadna is leedahay waaqicu intaa waa ka kharaaryahay, misana waxa ay iga tahay in aan is xusuusinno dadka inoo arriminaya qaarkood in ay baahi fog qabaan, in ay cid kale wax taraanna aanan loo joogin.

Ka daali mayo in aan hadba dhinac kaa tuso haadaanta aan kusii baxsanayno, waxa aanna aaminsanahay in marwalba la'is xusuusiyo dhibta jirta ay keenayso in ay dadka soo karto, macquulna ay noqoto in xal loo raadiyo, ama ay dhacdo (ILAAHAY waxba kuma aha eh) in odaygii saakay uu qoraalkaan inta akhriyo, wax isku falo oo is waansado, ama dad kale oo goleyaalkaas ka qeyb gala ay tooshka ku shidaan odayaalka bukaanka ah ee daawada ka raadinaya in ay hadlaan oo warkooda meelahaa laga daawado.

Odaygii ay uga dheggentahay in uu TRENDING noqdo, waliba si joogto ah, waxa aan ku caawinaynaa in aan u furno YouTube, Facebook iyo Twitter, si uu halkaa uga tannaagoodo, warkiisana dadka uu u buko gaarsiiyo.


Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...