Skip to main content

Kaalay na tuki!

 "Qowm sharaf ku heley Islaamnimada ayeynu nahay. Haddii aan meel kale ka doonno, ILAAHAY waa na gumeynayaa."


~ Cumar Binu Khaddaab (Ilaahay haka raalli noqdee).

Galabtay makhribkii baan mawlac salaaddii noogu gashay. Markii la aqimay baa waxaa la isku tuur-tuuray cidda salaadda tujin lahayd. Ugu dambeyn oday lasoo khasbay baa safka saddexaad isaga oo caga jiidaya kasoo baxay oo salaaddii na tujiyey.

Galabtay iiguma horreyne, waa wax aan marwalba oo aan meel masaajid ka baxsan ay salaaddu iigu gashay, adna waad arki doontaa ee u fiirso.

Markii aynu yar-yareyn, masaajidku wuxuu ahaa meesha ugu fiican ee odayaasha wax galka ah isugu tagaan, qofka imaamka ahna waxa uu ahaa qofka odayaashu ka dambeeyaan (tujiya), hadalkiisana si tixgelin badan u dhegeysta (khudbada jimcaha). Walina dhankaa masjidka imaamka aad ayuu ugu maamuusanyahay jagadiisa, inkastoo waayahaan masaajidda laftoodii uu ka billowmay loollan kooxaysi ku salaysan.

Dhanka kale, waxaa taagan xilligii doorashooyinka siyaasadda dalka. Waxaana magaalooyinka waaweyn suran tabbeelleyaal ay ku dheggenyihiin murashixiin kala duwan oo isku fallisaya in ay dalka siyaasaddiisa waxka tujiyaan. "Cadaalad, Midnimo, Horumar, Hoggaan hufan", kaalay iska arag ashqaraarka meesha ka socda.

Waxa ay maraysaa in beelihii ku kala dhintaan kursiga siyaasiga ah, oo beelaha qaar ay billaabeen in ay samaystaan odayaal dhaqameedyo cusub oo lagu wiiqayo miisaanka odayaashii dhaqanka ee soojireenka ahaa, taas oo abuureysa khatar weyn oo ku aaddan wax wada qeybsiga ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.


Sababta keenaysa in hoggaanka salaadda la isku tuur-tuuro, kan siyaasadeedna la isku diriro ayaa la oran karaa midna dheeftiisa lama arko, midna waa la arkaa. Taas haddii aad si fog u sii fiirisid, qof Muslimnimo sheeganaya oo tukanaya, misana xil adduunyo oo eed leh, ammaano adag, culays badan, xalaasha ka fog, xaaraanta u dhow, xaqdarradu deris yihiin oo kaba qaadnimo, gaalo tuugsi, nin jecleysi, dan seeg, qoys dumis, balwad, laaluush, tumasho, qarax, dil, shirqool, bilaa ujeeddo oo dhami ay la daris tahay dadku isku buuranayo. Halka darajadii sharafta lahayd ee weyneyd ee ILAAHAY hortiisa in la'istaago wax lagu hoggaaminayey ay noqotay mid la'isku tuur-tuuro.

Ugu dambeyn, qofna calafkii loo qoray ka badsan maayo. Waxa dhab ahaan uu qofku leeyahayna waa intii uu Suubaneheennu (Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee) uu kusoo koobay "Qofka ku waaberiista nabad, jirkiisuna u bed qabo, maalinkaasna quudkiisa haysta, waxa uu lamid yahay nin dunida dhan hantiyey". Aniga qoraalkan qoraya iyo adiga akhrinayaba intaas waannu wada haysannaa. Balse qofka Muslimka ah waxaa la gudboon in aanu sida gaalkii aanu u fekerin oo uu xusuusnaado in hor ILAAHAY la tegeyo, la'isna weydiinayo waxwalba oo aan kasbannay. 

وَسَيَعْلَمُ الَّذِينَ ظَلَمُوا أَيَّ مُنْقَلَبٍ يَنْقَلِبُونَ

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...