Shalay baan qoray sheekadii aan ku sagootinayey adeerkay Soomajeeste oo adeeg xumo caafimaad ugu geeriyooday magaalada Boosaaso. Maantayna waxa aan u tacsiyeynayaa saaxiibkay Saalim oo shil gaari ku galay aagga Sanjilbe, taas oo sababtay in uu geeriyoodo. Maalin dhawayd in aan arkay baan xusuustaa oo aan salaan iyo kaftan is weydaarsannay. ILAAHAY ha u naxariisto, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan ILAAHAY haka siiyo.
"Walaaloow cunnooyinka qasaaca ku jira, kuwa bacaha ku jira ha cunin. Dadka ugu badan ee Hindiya caafimaadka u yimaada ee laga helo cudurka Kansarka waxaa u badan Reer Puntland" ayey igula dar-daarantay gabar walaashay ah oo waxbarasho u joogtay dalkaa.
Puntland waxaa ay leedahay hal deked oo ay wax kasoo degaan. Waxaana dekeddaa ay leedahay xafiis lagu magacaabo "quality control" oo loola jeedo tayo dhowr. Xafiiskaa isaga ah, waxaa keliya oo uu qabtaa in dadka badeecooyinka dalka keena uu ka qaado lacag un bes. "ILAAHAY baan idinku dhaarshaye haddii sun la'inooga keeno, yaa inaga ilaalinaya. Magan baan nahay" Hadal sidaa u eg ayuu yiri Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan (ILAAHAY ha unaxariistee).
Dowladnimada Puntland oo imika 23 sano jirsatay, waxa ay noqtay bohol wax gala ma ahee aanan waxba kasoo bixin. Marba marka ka dambeysaana waxaa ay sii galaysaa bohol foolxun oo marba ay lumayso kaalimihii awalba yaraa ee dowladnimada loo samaystay.
Waxaa gabi ahaanba horey u howlgabay waaxyihii dowladnimada sida golaha shacabka oo noqday koox qawleysato ah oo hadba xoogaa inta loo tuuro, meel marisa damaca siyaasiga markaa kursiga ku fadhiya, waxaana hadda la haya dhaqankii oo dhanna xildhoonka diiranaya, dhanna xilhaya u xadreynaya, xaq iyo xaqdarrana aanan kala xeerinayn.
Maadaama dadkii xaalkoodu noqday "Reer ba'ayoow yaa kuleh", waxaa ii muuqda in inta dareenku ku haray ay israadsato, kadibna iyaga oo isu bahaysanaya qoys qoys, deegaan deegaan, gobol gobol ay u beegsadaan dhibaatooyinka ku gaarka ah, iyaga oo marwalba adeegsanaya dariiqooyin nabdoon, hufan, si ku celcelin ahna u beegsanaya farriintooda, kana feejignaanaya in lagu riixo xambaarsanaan afkaar ka madax bannaan.
قل إنما أعظكم بواحدة أن تقوموا لله مثنى وفرادى ثم تتفكروا ما بصاحبكم من جنة إن هو إلا نذير لكم بين يدي عذاب شديد
Comments
Post a Comment