'It used to be about trying to do something. Now it's about trying to be someone.' ~ Margaret Thatcher
Burburkii Soomaaliya kadib, haweenka Soomaaliyeed waxa ay muujiyeen dhabar-adayg lagusoo mooday jidkii dheeraa ee dagaallada sokeeye, qixii dalka iyo dibadda loo kala firxaday, iyo dib u degitaankii hadba qolo iyo meesha uu geeddigu ku furo. Waxa ay ahaayeen hooyo, aabbe, ganacsade, dhakhtar, macallin, samafale, iyo kaalin kasta oo ku suntanayd dib usoo kabasho. Lamana arag, lamana maqal haweeney Soomaaliyeed oo Qab-qable dagaal ah, qalin ku dhiigle ah, afku dhiigle ah, waxaana ay ku suntanaayeen nabad iyo horumar.
Inkastoo aan nahay bulsho asal ahaan kasoo jeedda Reer Guuraanimada, misana dumarku waxa ay kaalin libaax leh ka qaadan jireen dhaqidda qoyska, waxaana ay lahaayeen kaalin aanan wax badan ka dhicin tan ragga. Markii magaalada la yimid, noloshuna fududaatay, shaqooyinkii ayaa u kala baxay kuwo xirfad gacmeed u baahan iyo kuwo aqoon dheeri ah u baahan. Labaduba dumarkayagu waa ay u holladeen, waxaana xusid mudan in shilinka Soomaaliga ah ay ku sawirnaayeen rag iyo dumar shaqeynaya.
Caalamka oo Soomaaliya dowladnimadeeda taageero ballaaran u fidiya, dhaqaale culusna ku bixiya sidii dalku dib lugihiisa isugu taagi lahaa, waxaa ay marwalba ku celceliyaan in dumarka siyaasadda wax laga siiyo, iyaga oo marar badan ku celceliya "qoondada dumarka" oo ay ku jaan gooyeen illaa 30%.
Habeen dhaweyd oo aan dood fiican ka yeelannay aniga iyo qaar kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ay dumar ku jiraan, waxa aan weydiiyey bal in qoonadadaadsi ay tahay wax sax ah oo mudan in loo doodo. Waxaa kale oo lagu laraa in iyagana dhallinyarada kaalin laga siiyo dhanka siyaasadda.
Dooddayda ayaa kusoo qaatay in fikirka qoondada ay keenayso tafaraaruq bulsho. Qofka doonaaya in uu siyaasadda galo, waxaa marka 1aad muhiim ah in ay jirto ujeed iyo qaddiyad uu u galay, taas oo uu rabo in uu ka jabo keeno. Sida aan ku fur-furtay qormada, Margrett Thatcher waxa ay leedahay "Siyaasadda awal waxaa loo geli jiray in wax la qabto, balse imika waxaa loo galaa in wax la noqdo." Marka siyaasigu aanu lahayn ujeed fog oo uu rabo in uu hiigsado, waxa ugu weyn ee meesha ugu ordayo waa in mar un la dhoho "Madaxweyne/Wasiir/Agaasime/Xildhibaane" iwm.
Haddaba marka la sii sameeyo qoondooyin kala daadsan, waxaa dhacaysa in qofka raba siyaasadda uu galo, waliba haddii uu yahay dumar ama dhallinyaro, in uu ku doodo "qoondadeennii baan rabnaa", taas oo aanan ahayn ujeeddo la hiigsado, oo dhib bulshada haysata xallinaysa, ama himilo la hiigsanayo u weel qaadaysa, ama belo soo socota lagaga gaashaamanayo.
Dumarka Soomaaliyeed waxaa laga dilay hankii ay ku dooni lahaayeen in ay qadiyadaha ummadda ugu halgamaan, waxaana laga dhigay sida koox yar oo la faquuqo, kuwaas oo dulman, himilada ugu weynna ay tahay in ay bal un qoonadadaas mar gaaraan.
Fikirkan dunida maantay ka jira, waxaa uu dhabarka ku hayaa oraahdii caanka ahayd ee oranaysa "Qeybi oo xukun". Sidaa awgeed waxaa sahlan in bulshadii isku danta ahayd la'iska hor keeno. Bal qiyaas gabadha hanka siyaasadeed uu galay oo u halgamaysa in ay xaqiijiso qoondada 30%, fikirkeeda waxaa ugu weyn oo uu ku dhisanyahay waa "Raggaa xun-xunka ah ee aanan waxba noo quurin, waa in aan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulnaa sidii aan xaqayagii ugasoo dhacsan lahayn". Taasna waxaa ay gabadha ka indho saabaysaa in ay u fekerto qaab iskaashi ah oo bulshada raggeeda iyo dumarkeeda oo isla socda isugu kaashan lahaayeen sida ummadooda horumarkeeda uga wada shaqeyn lahaayeen. Waxaana abuurmaya colaad abadi ah oo bulshada barkeed ay u hayso barka kale. Dhanka kale ee dhallinyarada, waxaa cilmi baarisyadu sheegayaan in 75% bulshada Soomaaliyeed ay dhallinyaro tahay. Taas oo ka dhigaysa dadka Soomaaliyeed dad leh fursad mustaqbal oo weyn, haddii sida ay tahay loo maalgashto. Haddaba halkii dhallinyaradaas la maalgashan lahaa, waxaa dhacda in qofka dhallinyarada ah uu dareemayo in uu marti ku yahay goleyaalka siyaasadda, taas oo noqotay wax si xeel dheer u hirgashay. Deegaannada qaar ee Soomaaliya ereyga "dhallinyaro" waxaa uu ku lammaanyahay liidasho. Tusaale ahaan, qofka marka uu khalad ka dhoco, waxaa la oranayaa "hebel waa dhallinyaroobay", halka marka qof in la amaano la dhoho "hebel waa nin oday ah".
Ugu dambeyn, qofwalba oo leh fikir siyaasi ah, xambaarsan han qaran, ku hubaysan hal'abuur, rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel, waa in uusan ka hadlin wax ka hooseeya afkaarta uu rabo in uu bulshadiisa ugu hiilliyo, waana in uu ka xoroobaa dabinnada dahsoon ee shirqoolka u ah in bulshadayadu ay usoo kacaan cirbixiyeyaal la jaanqaada halka ay dunidu marayso.
يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر وأنثى وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا إن أكرمكم عند الله أتقاكم إن الله عليم خبير
Comments
Post a Comment