Skip to main content

Qormadaydii 100aad! Maxaan ka bartay?

At Garaad Tech Hub office





"Wixii la qoraa quruumo haree muxuu hadal qiimo leeyahay abwaan."

~ Aadan Af-Qallooc


 Waa been, haddii aad ka aaminsantahay in qoraalka uu u baahanyahay xog waaweynka ah, si aad qormooyin u samaysid. Keliya waxa aad u baahantahay in aad afkaartaada iyo falcelinnadaada qoraal ka samaysid. Tusaale, haddii aad saakay suuqa kasoo adeegatay, waxaa dhacday in aad meherado soo martay. Qoraal waxa aad ka samayn kartaa dukaanka aad mooska kasoo gadatay. "Eedo Batuulo saakay way qoslaysay markii aan u galay, waxaa u saarnaa cillaan cusub, waxa ayna xirnayd dhar qurxoon. Waxa aan is iri malaha ma odaygeedii baa u imanaya. Si fiican bay iisoo dhaweysay, mooskana waxa ay iigu dartay hal xabbo oo suubis ah. Waxa ayna i tiri berrina ii imoow waan kuugu darayaa. Isbuucii hore mar aan moos ka iibsanayey, xabbad moos ah oo bolol ah baan iga baddal ku iri, wayna igu xanaaqday". Waa intaa un, u fiirso waxa hareerahaaga ka dhacaya, kadibna u beddel qoraal.

Waxaa laga yaabaa in aad ku dooddid, maxaa ka macno ah in aan wax ka qoro aniga iyo Eeddo Batuulo sheekada na dhex marta, dadka wakhtigooda waxaas ugama dhumin karo. Iga dhaaf. Maxuma! Si aad sheeko xiise leh u qortid, waxa aad cabbir ka qaadataa oraahdan "Mukulaal baa booskeedii fariisatay sheeko kuma jirto, balse Mukulaal baa booskii Eyga fariisatay. Sheekaa ku jirta". Qoraalkaaga ku aaddi mawqif culus oo adiga ama cid kale ku dhacay. Isku day in aad sida wax u dheceen xog fiican ka heshid, markaa waxa aad ku dartaa falaanqeyn ku dhisan fekerkaaga ku aaddan sida wax u dheceen.

Wax kasta oo aynu qorayno, waxaa larabaa in ay arrimahaan ku suntan yihiin:

  1. Xog ururin mug leh oo ku aaddan wax aannu wax ka qorayno.
  2. Hab qoraalka aasaasiyaadkiisa oo aan iska soo dhisno (Buugga Samiik ee Shaqal Bile) 
  3. Adeegsiga suugaan, maahmaah iwm
  4. Ku billaabidda hadal soo jiita akhristaha
  5. Cabbirka sida ay kuula muuqato waxa aad wax ka qoraysid (Lama huraan weeye qodobkan)
  6. Farriin aad doonaysid in akhristuhu ka dhaxlo qoraalkaaga
  7. Ku larid cilmi baarisyo iyo xogo mawduuca la hal maala.
  8. Xornimo u hadal. Ku mitid in aad wax u cabbirtid sida dhabta u dhow, waayo waxa aad qoreysid berri ka maalin waxa ay noqon karaan qodobbo taariikh ahaan loo cuskado. 
Ugu dambeyn, qoraalku waa sida ubadkaaga weligii jiraya, adiga ayeyna kaa go'daa nooca ubad ee aadnuhu kugu aqoonsan doono.

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ. ن وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ 

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...