"Halkaan ma amar ALLE ayaad noo dejisay, mise xeelad dagaal baannu u degnay Nebi ALLOW?" ~ Xabaab Ibnul-Mundir
Dagaalkii Beder ayuu saxaabigaa weydiiyey Nebiga weydiintaas. Waxa ayna ku timid aragtidiisii ku aaddanayd aqoontii uu u lahaa xeeladaha degaalka iyo goobaha la dego. Xabbaab kama aysan reebin qaddarintii uu Suubanaha u hayey in uu xilli adag oo dagaal cabbiro fikirkiisa.
Waa khalad weyn oo aan fahnnay in qaarkeen fikirkoodu aanu micne la lahayn. Taas waxa ay kasoo billaabataa ababintayadii oo badanaa bulshooyinka aannu kamid ka nahay ee muxaafidka ah uu jiro dhaqan gaamuray oo mudnaanta siiya fekerka qofka weyn, ka hor kan qofka yar. Sideedana afkaartayadu waxa ay ku timaaddaa hadba inta aan aragti ahaan il-furannahay, aqoon ahaan durugsannahay, waayo aragnimo ahaan kala duwanaan badannahay waxa aaan usoo joognay.
Tusaale, Jaamac oo ku nool tuuladii yaraantayada aannu degenayn oo isaga 60 jir ah halkaa weligii joogay, lama mid aha Saalax oo 30 jir ah, meelo kala duwan dunida ka maray, aqoon ahaanna cilmiyo badan ku hubaysan, bulshooyin badanna la soo dhaqmay, ayna u dheertahay waayo aragnimo uu ka dhaxlay shaqooyin kala duwan oo uu wax kasoo qabtay.
Xilligan dunidu intii hore waa ay ka duwantahay. Tiknolojiyadduna waxyaabaha ay sakhirtay waxaa kamid ah in qofku isaga oo gurigiisa jooga uu awoodo in uu dunida afarta dalac waxa ka dhacaya, uu ka war qabo. Waxa ayna ku xirantahay hadba kala duwanaanshaha mawaadiicda uu la socdo, afafka uu wax ku fahmayo, iyo maaddada uu wax ka ogaanayo cidda wax ka oranaysa mugga ay aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba ku hubaysanyihiin.
"Dhibaatada adduunka ka jirta ayaa ah in doqommaddu ay aad isu hubaan, halka dadka caqliga leh ay shaki la daalaa dhacayaa" ~ Bertrand Russel.
Marka xiga, haddii aad aragtid arrin ay tahay in aad wax ka tiraahdid, haka laba-labayn in aad fikirkaaga u cabbirtid sida uu yahay. Xitaa haddii lagugu qoslo, ha ujoojin. Waayo laba waa mid, ama qolo fikirkaaga qurxoon quuri la' baa ka xumaan awgeed, ku wiirso isleedahay, ama fikir wax kaa dhinnaayeen baa laguu saxayaa oo wax baa kuu kordhaya.
Diintayaduna aad bay u dhiirrigelisay in qofku waxa u muuqda uu ka hadlo. Nebigeennu (Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), waxa uu yiri "Dagaal waxaa ugu mudan erey sax ah oo aad hoggaan gardarro badan ka hor tiraahdid." Waxa kale oo uu Abuu-Darr kula dardaarmay in uu runta ku hadaaqo, dacartaba haka macaanaatee.
Xigashada sawirka: https://society6.com/product/free-to-speak-your-mind_print
Comments
Post a Comment