Skip to main content

Raafka Dadka Reer Koonfurka ah Doc kale ka igala eeg!




 2003-dii aniga oo de'yar, maalin roob da'ay oo jidku biyo gooyeen, ayaa waxaa deegaanka Heema iyo Cagaaran dhexdooda nagusoo maray dad la yiri waxaa lagasoo raafay Woqooyi-Galbeed (Soomaalilaan) gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. Inta aan ka xusuusto, dadkaasi waxaa ka muuqday diyaar garow la'aan, waxaana mooddaa sida dad si sharci darro ah dal kale ku dhuumaaleysanayey oo ugu dambeyntii lasoo qabtay.


18 sano kadib, waxaa mar kale isla dadkii ayaa waxaa laga soo raafay isla Woqooyi-Galbeed (Soomaalilaan) gaar ahaan magaalada Laascaanood. Dadkaa iyaga ah ee koonfurta Soomaaliya ka yimid, waxaa ay eersadeen in ay yihiin dad dedaal badan oo deg-deg uga soo dhex muuqda suuqyada ganacsiga. Mr. Xareed oo ah aqoonyahan si xeeldheer uga faallooda arrimaha bulshada, ayaa yiri "Aniga iga qor, dadkaan Reer Koonfurka ah mustaqbalka iyagaa Soomaaliya qabsan doona. Eeg, meelwalba oo lagasoo raafo, waxaa lagu eedeyaa in ay suuqyada qabsadeen."


Raafka lagula kacayo dadkaas Soomaaliyeed, ma aha mid ku kooban Soomaalilaan, balse taas waxaa la wadaaga Puntland oo iyana raaf kaa lamid ah kula kacday dadka Reer Koonfurka ah dabayaaqadii sannadkii 2016, gaar ahaan magaalada Boosaaso.


Mr. Xareed oo falaanqeyntiisa sii wata ayaa yiri "Dadka Reer Koonfurka ah waxa ay isku darsadeen dhaqan adag oo diintu sal u tahay, howl karnimo iyo dedaal ay geliyaan ganacsiga iyo hormuarka. Waxa aan xusuustaa aqoonyahan Dr. Abukar-Khalifa oo hayb ahaan kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa muxaadaro waxa uu ku qabanayey magaalada Boosaaso. Waxa aan xusuustaa goobtii lagu qabanayey inta buux-dhaaftay ayey dadku hadalka aqoonyahanka daaqadda ka qoranayeen. Dadka sidaa u heellan waa isla dadka Koonfurta Soomaaliya kasoo jeeda. Waxa aan aad ula cajabay aqoonta iyo mugga Dr-ku xambaarsanyahay."


Dhanka kale, Mr. Sharmarke oo isna ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo falaanqeynta ka qeyb ahaa, ayaa yiri "Dadka Reer Koonfurka ah hadda sidii hore ma aha oo deegaankoodu waa xasilloonyahay, waxaana dheer in ay leeyihiin Maamul-Goboleed heer Federal ah, taas oo meesha ka saareysa in dadkaasi ay meel cidlo ah ku noqonayaan."


Dhanka kale, dadka eedeeya Reer Koonfurka ayaa ku andocoonaya in ay deegaannada kale ka samayn wax ku darsi, balse ay xitaa waxyaabaha daruuriyaadka ah isla dadkooda ay ka iibsadaan oo shilinku aanu dhaafin. 


Ugu dambeyn, waxaa muuqata in dadka Reer Koonfurka ah marwalba ay  dedaal iyo horumar astaan u yihiin, taas oo dadka qaar ku abuurta walaac ay ka qabaan in ay marti ku noqdaan isla deegaannadoodii. Waxaana shaki la'aan ah in Dadka Reer Koonfurka ah meel walba oo ay tagaan ay ka samaynayaan dhaq-dhaqaaq horumarineed oo aanan la dhayalsan karin.



Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...