Skip to main content

Bannaanka haloo boxo!


  Waagii aannu carruurta ahayn, marka dugsiga la joogo ee ay laba kuray is maagaan, waxa ay is oran jireen "Bannaanka haloo boxo", iyada oo ujeedku yahay in la is jilciyo oo feedh iyo lagdin la isku daaduumiyo. Inta aanan la bixin ee dugsiga lagu jiro, waxaa jiray xiise waalli ah oo inta og isu caraatankaa ay u qabi jireen bal mar un in dibedda loo boxo, si loo daawado labadaa dibi ee is herdinaya. Sheekadaan oo aan cidwalba oo aan arko ugu fur-furayey bal in aan kala sheekeysto jawiga colaadeed ee Boosaaso ka jira iyo sida "Waxgalku" uga aamusanyihiin amaba dhaq-dhaqaaqoodu u ekaa "Qawda maqashii oo waxba ha uqaban", waxa ay ila qireen in dadku si un xiise maangaabnimo ku dheehantahay ay u qabaan in mar un foodda la is daro.



Puntland ciidan farabadan bay magaalada soo gelisay, halka PSF ay ciidankoodii oo dhan ay magaalada kusoo xereeyeen. Culimadii, ganacsatadii, dhaqankii, siyaasiyiintii iyo cidwalba oo cod iyo saameyn lahayd heer walba ha joogtee, waa u aamuseen arrinkan. Waxa ay ila tahay xaalku waa "Bannaanka haloo boxo".

Comments

  1. I pray that the disagreement between both parties gets resolved in the best way possible with the citizens who look up to both of them in mind.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu gaabi

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu