Skip to main content

Gaalkacayo: Iftiin weyn, mugdi ballaaran kadib!

Madasha Isdhexgalka Gobolka Mudug (2018)



 Kulankii markii uu ii dhammaaday, waxa aan dalbaday taxi. Nasiib darro se, waa aan heli waayey. Waxa aanna go'aansaday in aan lugeeyo. Dhexdaa ii xiran, waxa aan sitaa iPad, Notebook, iyo Mobile-keyga. Waxa aan ku talagalay in waxwalba oo aan la kulmo aan diyaar u ahay, ujeedkeyguna yahay isbeddelka Gaalkacayo ka dhacay in aan tijaabo nafteyda uga qaado. Meesha aan rabo in aan kusoo lugeeyo waxaa la oran jiray "Khadka cagaaran" waliba dhanka Galmudug ayaan ka imanaya, qof yaqaannay Gaalkacayo waxa ay ku tahay cabsi weyn. Haddii maskaxdeyda iyo wadnahayga la eego, waxa aan dareemayaa baqdintii hore, xiisaha isbedelka, iyo tijaabo aan ka qaadayo waxa ka dhacay magaalada. Waxa aan kasoo dhammaaday iftiinkii goobaha ganacsiga ee dhanka Galmudug, waxa aana soo dhexgalay mugdiga suuqweynaha labada dhan ee magaalada oo maalinkii keliya shaqeeya, qiyaastii meel nus Kilo Meter ah ayaan kusoo lugeeyey oo aad u madoobayd, balse marwalba maankeyga waxaa ka guuxayey oraahdii dhallinyarada Madasha Isdhexgalka Gobolka Mudug ee ahayd "Isbaaradu waa qalbiga". Waxa aan soo gaaray meeshii ahaan jirtay suuqa qudaarta iyo aagga Shaneemo Bardacad, iftiin ayaan soo galay socodkeygii qeybtiisa dambe waxa aan kusoo maray dhanka Puntland, illaa aan kasoo gaaray aagga Iskuulka Cumar Samatar.




Gaalkacayo waxa aan joogay muddo isbuuc ah oo aan ka shaqeynayey howl cilmi baaris ah oo aan wareysiyo ka kala qaadayey labada dhan ee Galmudug iyo Puntland, asxaab labada dhan joogtana waxa ay iiga xog warrameen xaalka magaalada Gaalkacayo. Waxyaabaha lagu faani karo waxaa kamid ah in ardeyda waxbarashada ku jira ay si isku mid ah magaalada labadeeda dacal uga dhigtaan iskuullada, halka horey ay u ahaan jirtay in xaafad aanay xaafad kale u gudbin. 


Dhanka kale, Gaalkacayo labada dhan waxaa ka socda isbeddel weyn oo xagga dhismaha iyo ganacsiga isugu jira, waxaana laba jibbaarmay qiimaha dhulka.


Saaxiibkay oo horey ugu noolaa magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso oo aan kala sheekeystay bal in iiga warramo ku noolaanshaha Gaalkacayo ayaa yiri "Ninyahow magaaladaan maciishadeedu way jabantahay oo ma kulula, qofkuna isaga oo jeeb-yar buu si fiican ugu noolaan karaa." Waxaana intaa u dheer in saaxiibkay uu reer ku sameeyey magaalada Gaalkacayo oo uu ahaa nin xaasle ah.




Dhanka cawayska iyo joogidda magaalada, waxa aan habeen isku aragnay sarkaal ka tirsan madaxtooyada Puntland beerta Golden oo ku taal dhanka Galmudug, waxaana uu ii sheegay in uu aad u ga heley magaalada Gaalkacayo isaga oo kaftamayana wuxuu yiri "War ninyahow dhankeenna (Puntland), dhankaanaan kaga qanacsanahay oo ka shidan, laguna cawayn karaa." Meheradaha waaweyn oo dhallinyaradu isugu timaaddo waxaa kamid ah goobta "Place To  Be" oo dhanka Puntland ku taal, taas oo leh garoomo kubadeed, iyo fadhi ballaaran, iyo Pool.




Intaa waxaa dheer in Gaalkacayo uu ka billowmay dhaqan qurux badan oo bulshada Gaalkacayo oo wada jirta ay soo dhaweeyaan madaxda magaalada timaadda, waxaana ugu dambeeyey safarkii uu madaxweynaha Puntland ku yimid magaalada si uu xariga uga jaro garoonka Cawaale oo isna si weyn loo casriyeeyey, lana dhammaystiray.




Booqasho aan ku tegey Iskuulka Cumar Samatar, waxaa la'ii sheegay in sannadkaan ardeydii sannad dugsiyeedka 2021-2022 markii la qaadanayey ay kusoo afmeereen muddo 2 saacadood ah, taas oo ka dhigan in magaaladu ay si weyn loo joogo. Dhanka kalena waxaa la'iisheegay in Jaamacadaha Gaalkacayo oo awal ardeyda dhigataa ay yaraayeen imika uu jiro isbeddel muuqda oo ah tirada dadka wax ka baranaya uu kordhayo.




Intaa waxaa dheer in ay dekeddii Garacad ay mareyso meel gabo-gabo ah, waxaana la qiyaasayaa marka ay furanto Gaalkacayo ay noqonayso magaalada ganacsi oo xuddun u ah badeecooyinka u kala gooshaya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana imika la billaabay dhismaha jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacayo, taas oo soo celinaysa miisaankii magaaladu ay ku lahayd Puntland.




Ugu dambeyn, dadka Reer Gaalkacayo waxaa muuqda in ay ka gudbeen marxaladdii colaadda iyo kala qoqobnaanta, labada maamul ee Galmudug iyo Puntland waxa ay muujiyeen in ay u heellanyihiin in ay Gaalkacayo noqoto magaalo miisaankii ay Soomaaliya ku lahayd dib usoo ceshata. Muddo yar kadibna waxaa la qiyaasayaa in Gaalkacayo ay noqoto meel loosoo shaqo tago, halka ay horey u ahaan jirtay meel laga qoxo.

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...