ARAR
Nin reer miyi ah baa weydiiyey Amiirkii Islaamka xilligaa, ahna saxaabigii weynaa Mucaawiye Binu Sufyaan "Sidee baad ugu guuleysatay in aad Shaam xukuntid 40 sano iyada oo aanay wax dhib ah ka dhicin, halka dunida kale ay ololeyso?" Mucaawiye ayaa ugu jawaabay "Anigu meesha karbaashku ku filanyahay seef uma adeegsado, meesha hadalku deeqana karbaash uma adeegsado. Haddii aniga iyo dadka inoo dhaxayso tin aan labada gees kala haysanno ma go'do, waayo marka ay debciyaanna waan adkeeyaa, marka ay adkeeyaanna waan debciyaa".
Boosaaso oo ah caasimadda ganacsiga Puntland, ahna halka burburkii Soomaaliya dadku ku nasteen, waxa ay dadku dhahaan "Boosaaso waa hooyo". Qofkasta oo Soomaali ahna waxa ay noloshiisa ku lahayd saameyn toos ah ama mid dadban.
Tan iyo intii Puntland la aasaasay, Boosaaso waxa ay ahayd naaska ay dowladnimada, ganacsiga, waxbarashada iyo dhammaan arrimaha bulshada ay wada nuugaan. Taasna uma ahayn keliya dadka Reer Puntland oo keli ah, balse waxa ay u ahayd dadka ku nool geeska Afrika. Boosaaso waxaa soo maray in ay ku noolaan jireen dadyow ka yimid Tanzania, Falastin, Siri Lanka, Ethiopia, Kenya, iyo Yemen.
Boosaaso waa magaalada keliya ee qofku inta yimaado isagoo gacmo maran, afka Soomaaligana aanan aqoon, misana uu inta dego, nolol ku aasaasto, lacag ka sameeyo, afka ku barto, kadibna ka tago isaga oo wixii uu halkaan ka shaqeystay aanay cidna weydiin wax su'aal ah oo hantidiisii iyo dadkii uu ku dhalayba kala tago.
Boosaaso waxaa intaa u dheer in ay dadka ku noolaada kala tagan dhaqan ay kamid tahay shaqo jacaylka, kaydsiga, afgaabnimada, lebiska. Waxaana dhaqankaa laga barta dadka u dhashay magaalada oo leh ilbaxnimo gaar ah oo Soomaalida kale ay dheeryihiin.
__________________________________________________________________________________
Dadka Boosaaso ku nool waxaa ay ku noolyihiin "Kulayl ku nool ama kuleyl sug" Wakhtiga yar ee qaboobaha ah oo laftiisa wata culeysyada leh kharashaadka dhaqaale ee soo fuula dadka shaqeeya, kuwaas oo isugu jira bixinta waxbarashada, biilasha kordhaya, martida imanaysa, daymaha la gelayo, haddii ay ugu darsanto xasillooni darro, waxaa abuurmaya sawir-maskaxeed ah in Boosaaso aysan ahayn meel mustaqbal leh. Taasina waxaa kasii dhalanaya hoos u dhaca qiimaha ku noolaanshaha, fursadaha maalgashiga, dalxiiska iyo horumarinta.
Maqaamka iyo miisaanka ay Boosaaso leedahay oo aannu si sahlan ku dhuminnaa waxa ay ka dhigantahay innaga oo lamid noqonna Reer Saba', kuwaas oo ILAAHAY ka baryey in kadabkoodu go'o oo hintaa wilif xaalkoodu noqdo. Waxaana dhab ah in harraad iyo gaajo qaarkeen ugu le'an doonaan qararka iyo daafaha magaalada.
Inta uu jiro dareenka carruurnimo ee bannaanka haloo boxo, waxa aynu qarka u saarannahay khatar aanan laga soo kaban, taas oo na xusuusinaysa 30 sano ka hor markii aannu dowladnimadeennii dhidibbada u siibnay, markii aannu dhalanteedka afka kusoo dhufannayna aynu niri "Duqii doona, ducana ugu dara".
Haddaba magaalada qiimahaa leh, waxaa qofwalba ay ku leedahay in uu saddex masalo midkood qaato. Masalada 1aad waa in uu horumarinta Boosaaso naftiisa ka ballanqaado in uu wax ku darayo. Geed ku beeryaa, guri ka dhisayaa, mashruuc weyn ka fuliyaa. Masalada 2aa waa in uu magaalada u qareemo, meel kasta oo magaalo lagu soo hadalqaadana ka hadlo fadliga iyo maqaamka Boosaaso ay naftiisa iyo Soomaaliba ku leedahay. Masalada 3aadna waa in uu haddii 2daa masalo ee hore uusan awoodi, afkiisa iyo addinkiisa ay ka nabad gasho Boosaaso.
Comments
Post a Comment