Skip to main content

SOMALILAND KA EEG 6 DHINAC

Sawir Google Images

 

"Sida uu u fekero waxa aad u malaynsaa 6 qof oo hal miis wada fadhiya, ciyaarayana Chess. Waxa uu awood u leeyahay in uu arko sida lixdaa qof u arkaan degidda saxda ah ay tahay in ay degaan." Sidaa waxaa yiri Ray Dalio oo ah ganacsade Mareykan ah isaga oo ka warramaya saaxiibkii Henry Kissinger, wasiirkii arrimaha dibedda Mareykanka xilligii Richard Nixon 1973 - 1977. Waxaana la dhahaa waa macallinka dejiya siyaasadda arrimaha dibedda dalka Mareykanka




Haddaba innaga oo isku deyeyna sida Kissinger in aan wax u eegno, qadiyadda aqoonsiga Somaliland aan ka eegno dhinacyo kala duwan.



Dhinaca 1aad (Dadka Reer Somaliland)



Intii uu caabuqa Covid-19 jiray, waxaa is bedel ku dhacay dunida oo dhan, dad badan oo shaqeyn jirayna waxa ay waayeen shaqooyinkoodii, taas oo kalliftay in 2 sano ku dhawaad dadku ay la qabsadeen qaab nololeed cusub oo abuuray fursado shaqo oo cusub, kuwaas oo dakhli ahaan qancisay dadkii, shaqo ahaanna uga nafis badnaatay, waxa ayna keentay in dalalka qaar sida Mareykanka la waayey wax shaqeeya oo uu soo shaac-baxay halku dhigga "The Great Resignation".



Haddaba dadka Reer Somaliland oo u badan dhallinyaro, waxa ay 30 sano ku hanaqaadeen dowladnimo ay tiir-dhexaad u tahay goonni isu taag ka dhan ah Soomaaliya inteeda kale. Aad iyo aad bayna caqabad u tahay in qof jiritaankiisaba aaminsanaa in uu qaran madax-bannaan yahay in laga dhaadhiciyo, kaalay oo dalkaan baad kamid tahay ee liq.





Dhinaca 2aad (Dadka Soomaaliya)



Calanka Soomaaliya oo dhexbartanka ay u taal xiddigta shanta gees leh, waxa ay uga dhigantahay 5ta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Soomaali Galbeed iyo NFD. Qofka ay halkaa u joogto, waxa uu taaganyahay war anigaaba wax iga maqanyihiine, sidee baad dhulkii yaraa ee 7-da ahaa oo caalamku ii aqoonsanyahay u aqbali karaa qeyb halagaa goosto. Dhinacaanna marka la eego waa waaqic jira oo cuskanaya qodobbo aanan la inkiri karin. Intaana waxaa dheer in uu ku doodayo in siyaasadda Soomaaliya ay jiraan dad ku metela Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland) oo ayba yihiin dad ku saamigooda siyaasadeed iyo kooda dhaqaaleba hela.



Dhinaca 3aad (Dowladaha Deriska ah - Ethiopia/Kenya)



Kadib isjiiridda dhexmartay Djibouti iyo Ethiopia, Berbera waxa ay ahayd Plan B-ga Itoobiyaanka u ah halka ay neefta ka qaadanayaan, waxaana jirta in ay ku khasbanyihiin aqoonsi tiiro gaaban in ay u muujiyaan Somaliland, si ay hawsan ugu cabburmin mandiqadda, waxaana maalmahaan muuqda waji cusub oo soo dhaweyn ah oo Itoobiyaanku u muujinayaan Somaliland. Halka Kenya ay Somaliland u aragto warqad siyaasadeed oo ay culaysk ku saarto Soomaaliya.



Dhinaca 4aad (Dowladaha Carabta Emirates/Saudi Arabia)



Imaaraadku waxa uu dekedda Berbera ku sameeyey ballaarin, halka uu gegideedana horumariyey, waxaana loo fasiri karaa in ay ku ilaashanayaan saameyntooda ku aaddan Badda Cas iyo Baabul Mandab. Halka Sucuudigu ay sheegeen in ay aqoonsadeen Passport-ka Somaliland xilligii uu socday cunaqabateyntii ay dowladaha gacanku saareen Qatar.

 

 

Dhinaca 5aad (Dowladda Ingiriiska)

 

Billowgii 2020 ayuu Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub. Soomaaliya marka la eego waa deeq-bixiyaha 2aad, waxa ayna u arkaan in ay tahay dal amniga qowmiga si weyn strategy ahaan ahmiyad ugu fadhiya. Isbedellada mandiqadda ka socda, awoodaha soo baxaya sida Shiinayska iyo Turkiga waxa ay u baahantahay in aynu fahanno sida Ingiriisku u arko danihiisii ku aaddanaa Soomaaliya, maadaama ay awoodaha cusub ay xiriirro wajiyo kala duwan la samaynayeen Soomaaliya sanadihii u dambeeyey.

 

 

Dhinaca 6aad (Mustaqbalka Soomaaliya)

 

Burburkii kadib, guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, waxaa ka jiray xasillooni iyo horumar kala duwan oo ku aaddan dhanka dowladnimada, dhaqaalaha, tiknolojiyadda, waxaana la filayaa in horumarkaas uu sii lixaadsado. Haddaba waxaa is weydiin mudan, maxay tahay aragtida strategy-yadeed ee ugu habboon oo lagu xaqiijin karo in sida ugu habboon looga faa’iideysto fursadaha maantay ina horyaal ee isugu jira saaxiibbada doonaya in ay nagala qeyb qaataan dib u hana qaadka, dowlad wanaagga iyo sida aannu isu waafajin lahayn danohooda in ay u fulaan iyaga oo aanan innaga daneheenna iyo jiritaankeennaba galaafanayn. Kulli waxa ay u baahanyihiin aragtiyo xor ah oo cilmiyeysan, una baahan in si xeel dheer looga fekero.

 

Ugu dambeyn walaalahaya Somaliland oo mararka qaar ku dooda “Khalad dhacay baannu dib ka saxaynaa” ayaan imika leeyahay “Khalad iyo saxba waxa ay tahay sidii aynu horay go’aankeeda isula qaadannay, aynu imikana uga wada tashanno mustaqbalkeenna iyo kan ubadkeenna. Innaga wixii dhacay wax ka baranayna, waxa taaganna xal u raadinayna, waxa iman doonana qorshe u degsan doonna.”

 

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...