Skip to main content

Puntland 24

 



PUNTLAND 24

(Tagto, Taagan iyo Timaaddo)


Waxa ay ahayd isku day ka yimid bulsho daallan oo duruuf adag, burbur iyo colaad sokeeye kasoo doogay, waxa ayna ka fekerayeen in dalka iyo dadkaba loo sameeyo saldhig looga duulo xal u helidda ummaddan bilaa garab ah ee sokeeyeheeda iyo shisheeyeheeduba isu sida u daawanayaan. Saldhiggaas waxa uu ahaa mid qofkii raba in uu ka howlgalo diyaar u ah in uu naf iyo maalba u huro, qodobkaas oo dadka ay ku adkaa, balse markaa intii joogtay ee dal iyo dadba lex jeclo ay ka haysay, waxa uu u ahaa salaad loo aqimay. Wax badan oo is jiid-jiid ah kuma ay qaadan dhismaha maamulka Puntland, waxa uuna lamid ahaa Masjidkii Nebiga NNKH ee uu Madiina ka dhisay durba markii uu tagay.


Muddo shan sano ah waxaa loo ruqaansaday gudashada waajibkii Qaran ee ahaa in la isla doono dal iyo dad kala irdhoobay oo ay dhex susumayeen halaqyo dhiiggu qaboojiyo, waxaana taas loo hoos galay ciddii wax laga heli karay — xitaa haddii ay hoosta sakiimo ku wateen, waxaana la isla raadiyey Soomaali oo dhan, iyada oo xaalku ahaa "War bal isu kaaya keena, aan tashannee." Dad kala qaloonaya lama ahayne, si sahlan baa la isu fahmay, waxaana loo dhaqaaqay in dowladnimada saldhiggeedii dib loo qotomiyo, iyada oo ay marwalba jirtay "Yool walba inta uu le'egyahay baa dhibtiisuna le'egtahay."



Maanta Soomaaliya waxaa ka jira nooc dimuquraadiyad ah oo lagu heshiis yahay oo nooceeda Afrika guud ahaan, gaar ahaan gobolka aan naal la dhihi karo waa wax lagu faani karo, iyada oo dowladnimadeenna jilicsan iyo hiil la'aanta haysata, misana in ay siyaaddo mooyee, nuqsaani ka dheertahay, waxa laga hadlayo maanta uu yahay wax la horumariyo oo lasii bilo ee aanu ahayn wax meel sagxad ah laga billaabayo.



Puntland haddii aan u soo laabto, iyaduna waxaa ay qeyb ka ahayd kasoo kabashada burburkii, waxaana maamul walba oo imanayey uu xoogga saarayey hadba halkii daran, waxa naga maqanna ay tahay wax aan innagu iska hagrannay ee aanu ahayn  musiibo samada la inooga soo diray. Sida lagu yiqiin ilbaxnimooyinkana waxaa isbedeleyey jiilashii xambaarsanaa waxa lasoo maray iyo kuwa ku hanaqaaday adduunkaan isku qoofalan. (Caaway 4G anoo isticmaalaya baan qoraalkaan Boosaaso kasoo qorayaa. 24 sano ka hor Bacaadweyn baan guri Faynuus taal ku noolaa)



"Warqad cad lama tafatiri karo" Oraahdii  Jodi Picoult annaga oo ka duuleyn, Puntland wax fiican oo si fiican loo sixi karo baa yaal. Waana kabiirka hannaanka Federalismka ee hadda heshiiska lagu yahay. Waajibka cusub ee inoo yaal baa ah in aannu tusaale u noqonno wixii aan Soomaali u horseednay. Shacab iyo madaxba rabitaankeenna oo mideysan oo ah in Puntland mid ah, horumarsan, dadkeedu is jecelyahay, Soomaalina jecel in aan ka shaqeynno. Qof walba kaalin buu leeyahay, tiisa oo iska tiiriyo baa nagu filan. 



Puntland waa hooyo, hooyana waa lama huraan.


Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...