Skip to main content

SIXIRKA LACAGTA

 


(Maxay qofka ku kallifi kartaa in uu u sameeyo?)


Thomas Dunning oo qoray Buuga la dhoho Trades' unions and strikes wuxuu yiri "Lacag doonistu meelna kuma dhammaato. Qofku haddii uu billionaire gaaro xitaa oo loo sheego qaab $1 lagu heli karo, waakii doona."


Wuxuu yiri "Qofka lacag doonka ahi haddii 10% oo faa'iido ah meel lagu sheego, meeshaasi hadday tahay ka ganacsi daroogo, fattaalnimo (iibinta jirka dumarka), tahriibka iwm, waa kii maalgashta oo aanan ka xishoon. Haddii faa'idadu tahay 20% kaba sii daran oo waakii fursaddaa aanan cafin oo miyirkaa ka tagaya"


Tanaa ka daran. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu tahay 100% waxa ay qofka lacagta ku waashay u sahashaa in uu ku dhiirrado jebinta shuruuc kasta oo la degsaday, jidwalbana diyaar buu u noqdaa in uu u maro."


Kulli oo dhan tanaa isku fuuqsatay. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu gaarayso 300% waxa ay qofka u sahlaysaa in uu jariimo kasta iyo dambi kasta diyaar ugu noqdo in uu dalaq dhoho, khatar kasta oo la sheegana waxa uu diyaar u yahay in uu u bareero, xitaa haddii nafta laga goynayo. Waxaana uu ka tanaasulaa caqiido kasta, xaqdhowr kasta, xishood kasta iyo wax allaale iyo wixii uu xeerin jiray. Waxa uu diyaar u noqdaa in dagaallo dhacaan oo uu ka faa'iido, in colaado dhacaan uu ka dhergo, in aanan la heshiin oo uu tuubadiisu isaga socoto."


Nebigu wuxu yiri (Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee) "Ka feejignaada gacan adeygga (xoolo jacaylka). Waxa uu gacan adeygu faray gacan-adeyg, say waaka yeeleen, waxa uu faray dhabiiltan, say waaka yeeleen, waxa uu faray qaraabo-goysnimo, say waa ka yeeleen, waxa uu ku dhiirrigeliyey xarig-lama sitaan in ay noqdaan say waa ka yeeleen."


Xooluhu dadka waa yeeshaane, yeysan ku yeelan

Comments

  1. Maqaal soo koobaya damaca aadanaha iyo dhibta uu u marayo tabaca xoolaha, cirweyni, dhuuninimo iyo aniga ima dhaafto. Mahadsanid ustaad.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu g...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...