Skip to main content

Maangaab ha dhisin!




 Maangaabku ma aha wax khuraafi ah. Waa wax jira. Dadka ayey ku dhex jiraan. Ma aha dad wada jooga dabaqadaha hoose ee bulshada. Qaar baa jooga meelaha ugu muhiimsan. Joogiddoodaa ayaa mararka qaar sahasha in ay helaan fursad ay awood dhaqaale iyo mid xukun gacanta ku dhigaan.

Taasi waxa ay keentaa in dhibaato aad iyo aad u weyn ay u geystaan inta gacanta ay ku hayaan. Sababta ma aha in ay xumaan ka tahay. Balse maba laha miisaan garasho iyo garaad ay ku maamulaan mas'uuliyaddaha ay gacanta ku dhigeen.
Ma koobi karaan go'aannada ay qaadanayaan saameynta ballaaran ee ka dhalan karta. Maangaabnimadooda ayaana xaddideysa fogaal arag in ay noqdaan. Ammaanada waxaa kamid ah in qofka maangaabka ah aanan lagu dhiirrigelin in ay talo culus gacanta ku dhigaan, in aanan loo dhisin in ay mas'uuliyad qaadaan, in aanan la hor boodin sidii ay wax ku noqon lahaayeen.
Dad badan oo aanan fursado haysan, balse la qaraabo ama saaxiib ah dad maangaab ah ayaa sameeya in ay soo dhisaan qof miskiin ah si ay ugu adeegsadaan danohooda. Waxaana badanaa dhacda in marka ay talo gacan ku dhigaan, ay isla iyagii ka billaabaan oo ay ku dhacdo "Bal maxaa nagu watay"
Dhanka kale, maangaabku bulshada wuxuu ku leeyahay xaq dhammaystiran oo ah in la daryeelo, wax la boro, la hagaajiyo oo baahiyihiisa loo dhammaystiro oo aanan la dulmin.
Haddaba akhristoow, weligaa haka ilduufin taladaan, qof maangaab ahna ha u horseedin in uu talo gacanta ku dhigo, khatartiisa lagama soo waaqsan karo runtii, dad iyo duunyaba waxa uu u naafeynayaa si aad iyo aad u xeel dheer.
ILAAHAY qur'aankiisa ayuu nooga digay in aanan qof maangaab ah waxba loo gacan gelin, balse laga warqabo.
وَلَا تُؤْتُوا السُّفَهَاءَ أَمْوَالَكُمُ الَّتِي جَعَلَ اللَّهُ لَكُمْ قِيَامًا وَارْزُقُوهُمْ فِيهَا وَاكْسُوهُمْ وَقُولُوا لَهُمْ قَوْلًا مَّعْرُوفًا

Comments

Popular posts from this blog

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu gaabi

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu