Skip to main content

Qabyo



 Marka aad buug qoreysid, waxa ay ku macaantahay in uu qabyo kuusii yahay oo aad dhismihiisa iyo sii wadidiisa ka fekertid. Ciwaannadii kuu asteysnaa in ay ku sugayaan oo maadaama uu yahay sida bukaan meel kuu jiifa aad hadba fikraddii kugusoo dhacda aad ku daaweysid.


Dhanka kalena ay foojignaantaadu marwalba dhegta u taageyso wixii la halmaala buuggaa, jeer uu noqdo adduunkaaga oo dhan sheyga ugu weyn oo ku sugaya. Bal kawarran haddii aad tahay qof de'yar ah oo Soomaaliya jooga, aanna haysan qabyooyin aad himilo ka dhigato horumarintooda, kuwaas oo isugu jira kuwo dowladnimo, kuwo bulsho, kuwo ganacsi, kuwo aqooneed oo adiga iyo awoowgaagii geeljiraha ahaa farqiga idiin dhexeeyaa uu yahay in aad waxna akhrin kadhid, halkii uu bannaan ka seexan jirayna aad qol habeenkii u hoyatid, balse caqli ahaan aadan u diyaarsanayn waajihidda casrigan aad joogtid.

Saaxiibkay Sakariye oo aan ayaan dhexdaas ah wada shaqeynaynay baa subax annagoo quraac sugeyna halmar ay kasoo boodday "War annaga Mustaqbalkeennii meeyey?" Ima aadan fahmin baan filayaa. Aan kuu jilciyo. Eeg, waddankaan haddii meel wax u mari lahaayeen sida in uu marka hore haysto nidaam dowli ah oo adduunka la falgeli kara, shuruuc shaqeysa oo dadku kuwada qanacsanyihiin, nidaam waxbarasho aasaasiba ha iska ahaado. Waxa qaarkeen nolosha u huri lahaayeen in ay himilo ka dhigtaan horumarinta aasaaskaa aan haysanno.

Tusaale Xaliimo oo aad u jecel cilmi Nafsiga (Psychology) waxa ay dersi lahayd cilmigaa, kadibna magaalada waxa ay nooga furi lahayd goob lagula tacaalo dadka u baahan caawimaadda nafsiga ah, halkaasna waxaa suuqa ka bixi lahaa "Rusheeye, Ceejiye, Rusheeye ka yare (Jr) iyo Ceejiye ka yare (Jr)" Axmed oo xiiq ah, ayaa isna wuxuu baran lahaa qareenimo, kadibna dadka maxkamadaha isla aada ayuu ka shaqeysan lahaa, isla markaana waxa uu xallin lahaa howlaha tareesada loo adeegsado oo marka dambena isu bedela aanooyinka aanay cidna ka fakan.

Waa labo tusaale oo kamid ah kummaanaan shaqo oo iska bannaan. Waxa ugu muhiimsan baa ah in ay jirto wax aasaas ah oo wax lagu dul dhiso. Balse hadda waxa na haysta ayaa ah in aan rabno in aan wax dhisanno iyadoo aanay jirin wax asaas ah oo wax lagu dul dhiso. Waxaana intaa dheer in aan khasbayno oo indho adeyg iyo ismaqiiqid ku rabno in ay wax noogu hagaagaan.

30 Sano ayeynu madaxa la sii geleynaa, mana jirto cid leh "War bal u kaadiya aan is hubino in aan jid sax ah hayno iyo in kale" Sababta ma taqaan? Sidaa hadda aannu nahay ee hawtal hamagga ah baa qaar yar oo naga mid ah anfac ku qabaan, iyagii baa noogu xoog badan, noogu dhaqaale badan, noogu aqoon badan, wax ayna keentay in ay na ogoleysiiyaan ku dhex lugeynta mugdiyadan isa saaran.

Comments

Popular posts from this blog

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu g...

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...