Skip to main content

Barashada xifadda hal'abuurka





 "Hal'abuurku waa caqliga oo laga shaqeysiiyo iyada oo lagu foogganyahay arrin, si loo gaaro aragti cusub" ~ Dr. Daariq Suweydaan



Haddii aad tahay shaqaale ama hantiile, mar walba shaqada aad qabanaysid kama maaranto hal'abuur. Haddii aad tahay xirfadle, iyaduna xisaabta kuma jirto oo waxaa waajib ah in marwalba aad ha'abuur la timaaddo. Haddii aad tahay abwaan ama fannaan, iyana hal'abuurku waa sheyga keliya ee ay dadku kaaga aqoonsan karaan qeyrkaa, inta aad wax curin kartidna ay tahay masaafada idiin dhaxaysa tiigsiga figda sare. Haddii aad tahay qof caadi ah, iyana hal'abuurku waa lagama maarmaan, si noloshaadu u fududaatana, waxa aad u baahantahay in aad carisid maskaxdaada oo aad  hal'abuur la timaadid.


Si aynu ugu dhawaanno u jeedka, hala'abuurku muxuu ugu dambeyn tarayaa? Hal'abuurku waxa uu kaa caawinayaa in aad fududeysid wax adkaa, ama aad soo dhaweysid wax fogaa, in aad saxdid wax khaldanaa, ama aad qurxisid, wax foolxumaa, in aad nidaamisid, wax isku daadsanaa, ama aad wax tayo darnaa, tayeysaa, in aad wax culays badnaa aad sahashid (kharash, juhdi iyo culeys kale) Intaa oo dhan waxaa la rabaa in aad marwalba ilaaliso tayadii iyo nuxurkii. Waxaa iyana muhiim ah in fahanka dadka aad wax u qabanaysid aad tixgelisid oo wax aysan fahmayn ama ku adag aadan u keenin.


Hab fikirka aad ka duuleysid waxa uu u baahanyahay in caqligaagu dib ugu noqdo carruurnimadii oo dhiifoonaantii iyo faduushii yaraanta aad ku hubeysantahay. Wax badan oo la qaayibay waxaa raajiya in la waayo cid faragelin ku samaysay, ku falaadda, ku feegaarta, qalaaba rogta, hadba doc ka eegta, mar u dhawaata, marna ka durugta, marba si u fidisa oo ku fasaxda dareen fajacsan oo aad ugu fagiiga. Baqdin la'aanta iyo u adkeysi dhaleeceynta caayibka ka qatan raaxada shaqada iyo naf u diyaarsan in ay jibaaxdo, iyana waa laf dhabarta aad ku taagantahay.


Ugu dambeyn, ma jiro wax mar qura dhammays noqdee, waxa aad u baahantahay marwalba in ay jidho qabyo aad dhiseyso, marna aad ku qarweyso adiga oo toos-toosinaya, sida qolyaha software-ka ku shaqeeya ay ugu riyoodaan xallinta caqabaddii code  ee hakisay, adna in aad u maqantahay qabyadaada oo aad ka xorowdo baagamuudada maanka iyo gacanta.


Comments

Popular posts from this blog

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu g...

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...