Skip to main content

KIBIRKA WAA LAGU KUFAA

 



20 sano ka hor, Mareykan Ciraaq buu iska weeraray. Wuxuu ahaa dagaal kibir iyo awood sheegasho ah oo Reer Ciraaq dal iyo dadba ay ku waayeen. Anigu waagaas si dhow baan dagaalkaa ula socday haba iska yaraado fahankayga iyo qiimeynteyda, balse waxa aan ogaa in Gaalo ay dal iyo dad Islaam ah ay kusoo qaadday, aad iyo aadna waa ay iila xumayd. 



Hadda Mareykan wuxuu maalayaa beladii iyo baaskii uu ka shaqeynayey, Bariga dhexe oo uu baarqabnimadiisa kusoo bandhigay, isagoo mid jaban iyo mid jiis ah buu ka huleelay, isagoo aanan la mahdin, la tebeyn, lib iyo abaalna aanay cidna u hayn. 



Shiinaha oo iska ahaa warshad lagu sameeyo hal'abuurka Mareykanka oo sida wiil booy ah (adeege) ayaa xarig jaraya mashaariicdii ugu waaweyneyd, heshiisiinaya dad aanan la isu keeni kari jirin, jeexayana dhuuntii dhaqaale ee dalkaasu ku hodmi lahaa (Silk Road), una sharraxan in uu noqdo kabiirka dunida u taliya dhaqaale ahaan,  xiriir ahaan, wax soosaar ahaan iyo jiritaan iyo mustaqbal ahaan. 




In Mareykan jabayna ka garo Midowgii Soofyeet ee weynaa oo uu 30 sano ka hor ku baashaalay iska daa eh, Ruush oo gummadkii u dambeeyey ah baaba la leeyahay madaxda Mareykanka (Trump) Ruush baa kursiga ku fariisiyey.


Waxaas oo hoga-tusaaleyn ah waxa aan usoo marayaa dagaalka kibirka iyo xadgudubka ku dhisan uu cirib dambeedkiisu noqonayo shalleyo, baaba' iyo naaso-beel. Cid walba oo soo duushana — si kasta ha uu xoog badnaatee, ay ku dambeyn doonto guul darrada abadiga ah ee aanan lagasoo kaban. Maroodi markii la weydiiyey sababta uu uga cararo dadka, isagoo awooddiisu intaa ay le'egtahay wuxuu ku jawaabay "Dhogortaadu inta ay dhantahaa la dhowrsadaa."



Ismaaciil Mire waa kii lahaa "Ragoow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado."

Comments

Popular posts from this blog

Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado. Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qo...

Naftii hure Bani Aadantinimo!

(Sawirku waa Ardeydii Jaamacadda Kaloombiya oo gadoodsan)  Maxay la biqi waayeen de’yarta Reer Galbeed ee isugu soo baxay in ay dowladohooda ku cadaadiyaan in ay hor istaag ku sameeyaan gabood-fallada ka socda Qasa? De’yartan oo u badan dadkii dhashay 1997 (Gen Z), waxaa la sheegaa in ay yihiin jiilkii ugu ballaarnaa ee aanan wax diin ah haysan (religiously unaffiliated) iyadoo saddex meelood aysan wax diin ah ku suntanayn, dhanka kale waa jiil hanaqaaday xilli Galbeedku ay si ba’an u caabudaan duunyada oo ka dhalatay nidaamka hantigoosadka ah ee lagu kala tagay. Labadaa oo la isku daray waxaa misana yaab leh nin aanan diin haysan, duunyana lagu anqariyey, sababta uu diyaar ugu noqday in uu aayihiisii dhammaa u huro u qareemidda Carab joogta Bariga dhexe oo muddo dheer laga gadayey in ay yihiin cawaan xagjir ah?! Waxa ay ila tahay in sababtu tahay dhowr qodob  Koow: Warbaahinta Galbeedka oo ahayd mid gadi jirtay hal sheeko oo ah in Israa’iil tahay dimuquraadiyadda keliya ee ca...

Afgambiga Trump!

(Bidix) Elon Musk, Trump (Midig) Madaxweynaha Mareykanka ayaa waajahaya garab la'aantii ugu cusleyd ee siyaasadeed ee kaga timaadda gudaha Mareykanka, kadib markii ay si foolxun ku dhamaatay wada shaqeyntii saaxiibkii Elon Musk oo ahaa lafdhabarta guusha Trump uu ku gaaray in uu dib u hanto kursiga laga xukumo Aqalka Cad ee Mareykanka. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu Mareykanku waajahayo cadaadisyo dhaqaale, kuwo xulufo, kuwo saameyneed, ayna u dheertahay in baqdin weyn laga qabo in uu dagaal sokeeye ka dillaaco gudaha Mareykanka. Heshiiskii uu la galay Xuutiga, gacma ka laabashadii Yukreyn, laba bogleyntii canshuuraha uu kusoo rogay dalalka Mareykanka wax keena iyo kor u qaadiddii saqafka deynta oo uu gaarsiiyey 5 jibbaar halkii horey u joogtay, taas oo hal bacad lagu lisay ma dhigtay dedaalkii xoogganaa ee waaxdii uu hoggaaminayey Musk, DOGE, oo hoos u dhigtay deyntii sannad walba ku kordhi jirtay wadarta guud ee deymaha Mareykanku qaadan jiray, waana halka ay ku kala dhaq...