Skip to main content

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

 



Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay.


Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka.


Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen.


Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda siiyaan, taa beddelkeedana ay ballan qaadayeen in ay wax ka qabanayaan tabashooyinka bulshadu qabto.


Halkaan aan ku hakanno. Eeg, awal dadka badankii xitaa maba fahansanayn gole deegaan waxa uu yahay, waxa uu qabto iyo sida uu ku yimaado. Balse hadda, qof walba waa uu yaqaan ciddii codka weydiisatay ee uu u codeeyey, waxaana la sugaaba waa goleyaashii oo la doorto, kadibna ballan qaadyadii laga sugayey ay fuliyaan. Waxaa halkaa kasoo baxay in muwaadinka caadiga ahaa ee dhagweynta ka ahaa siyaasadda uu maanta kamid yahay saamileyda siyaasadeed ee wax ka jiheynaysa masiirka dalka.


Intaa kuma eka, muwaadinku hadda waxa uu arkay in codkiisu shaqeynayo, waxa uuna u hanqal taagayaa in golaha dowladda uu codkiisa ku doorto, taas oo metelaaddii degmada ku ekeyd ay u gudbayso heer gobol iyo heer maamul, taasna ay sii adkeynayso miisaanka muwaadinka uu ku leeyahay hannaanka dowladnimo.


Hagaag! Muwaadinka caadiga ah in uu wakhtigaa yar ku jaro fahanka hannaanka dowladnimo, waxa ay khatar ku tahay saamileydii siyaasadda hore oo hayey sirta iyo xargaha hagidda masiirka bulshada, taas oo qaar kamid ah ay u loogeen danohooda gaarka ah, lagana dhaxlay cillinimada ku dhacday miisaankii Puntland ay ku lahayd goleyaalka siyaasadda Soomaaliya, waana tan maanta Puntland gaarsiisay heer laga kaaftoomo amaba aanan loo joojin.


Dhanka kale, waxaa iyana layaab leh in saamileyda cusub ee siyaasadda Puntland ay ku jiraan, qaar aragti gaabni awgeed ku qanacsan "arki jire doonkii" gabbalkiisu dhacay. Halka qaar kale oo badanna lagu madiideystay bahalo gelin iyo beer laxawsi ka qariyey nidaamka cusub ee ka hanaqaaday siyaasadda Puntland.



Ugu dambeyn Reer Puntland waxaa horyaal in ay kala doortaan dib u noqosho sii hagaasisa jiritaankooda siyaasadeed iyo dib u hoggaaminta dowladnimada Soomaaliya ee aan tillaabadii u horreysay lahayn, tan haddana aan yeelan karno.

Comments

Popular posts from this blog

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu

SIXIRKA LACAGTA

  (Maxay qofka ku kallifi kartaa in uu u sameeyo?) Thomas Dunning oo qoray Buuga la dhoho Trades' unions and strikes wuxuu yiri "Lacag doonistu meelna kuma dhammaato. Qofku haddii uu billionaire gaaro xitaa oo loo sheego qaab $1 lagu heli karo, waakii doona." Wuxuu yiri "Qofka lacag doonka ahi haddii 10% oo faa'iido ah meel lagu sheego, meeshaasi hadday tahay ka ganacsi daroogo, fattaalnimo (iibinta jirka dumarka), tahriibka iwm, waa kii maalgashta oo aanan ka xishoon. Haddii faa'idadu tahay 20% kaba sii daran oo waakii fursaddaa aanan cafin oo miyirkaa ka tagaya" Tanaa ka daran. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu tahay 100% waxa ay qofka lacagta ku waashay u sahashaa in uu ku dhiirrado jebinta shuruuc kasta oo la degsaday, jidwalbana diyaar buu u noqdaa in uu u maro." Kulli oo dhan tanaa isku fuuqsatay. Wuxuu yiri "Haddii faa'idadu gaarayso 300% waxa ay qofka u sahlaysaa in uu jariimo kasta iyo dambi kasta diyaar ugu noqdo in uu dalaq d