Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo.
Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas.
Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay.
Aasaaseyaashii Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid.
Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?
Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastuur.
Puntland waxa ay u baahantahay buuxinta kaalintii aasaaseyaasha siyaasadeed ee imika badankood dhinteen cid buuxisa, kuwaas oo aragtiyo waaweyn oo ka badbadin ah soo jeediya oo markaa hoos u noqoshadaan la'isku wadno gooyey iyo "Nabadda aan ilaashanno" laga gudbo.
Haddii aanan si deg-deg ah booskaa loo buuxin, Puntland waxa ay u dillaacaysaa maamul saqiiray oo la'iska rito, lagana dhigto jaranjar hadba qolo himilooyin aysan si kale ku heleen ku tafaan.
Dadka Puntland oo u badan dhallinyarana ay ku dambeeyaan kuwo tahriiba, kuwo gudaha ku daal, kuwo xaabo ahaan loo shito, kuwo la haysteyaal ku noqda Soomaaliya qeybeheeda kale.
Comments
Post a Comment