Skip to main content

Maxay u damqan la'yihiin? (Sheeko dhab ah iyo farriin)



Aniga oo gaarigayga wata baa waxaan soo maray iskuul agtii, ardaydii oo xilligaa biririf qaadanaya ayaa waddada aan marayey yaaceysey, gabdho iyo wiilal ayaan sii dhex maray, waxaan dareensanaa in ay waddada aad ugu dhawaayeen oo gaariga aysan iska jirayn, anna dan kama gelin, hoonna u ma yeerine aayar baan iska dhex maray. Alleylehe markii aan kasii dhammaanayey baa waxaan maqlay gaarigii oo wax lagu dhuftay. Maskaxdayda waxaa ku jirtay faduul iyo ciyaar bay dhalinyaradu kula soo aadeen, aniga oo aad u caraysan baan gaarigii inta istaajiyey ka degey, canaan iyo qeylo baan dhalinyaradii kula dul dhacay.

Mid kamid ah dhalinyaradii ayaa si adag iila hadlay oo yiri "maxaad noo jiirtay?". Asxaabtiisii qaar kamid ah ayaa aniga ii dejiyey oo raalli-gelin isiiyey, anna waan aqbalay raalli gelintii, yarkii qeylinayeyna uma jawaabin, gaarigeygii baan kusoo laabtay. Waxaan dareemayey in ay wax khaldanyihiin, waayo wiilkii ila murmayey, waxaa lugtiisa ka muuqday boor iyo taayarka gaariga wax aan moodayey, waan iskasoo baxay, balse illaa hadda waxaan dareemayaa culays iyo welwel, waxaan rabaa berri inaan aado iskuulkii oo aan ardaygii ila murmayey soo xog waraysto, xaalkiisana soo hubiyo. Saaxiibkay Maxamed baa galabtay arintaan la kulmay.


Farriin

Maxamed waa shakhsi aad u akhlaaq badan, waa shakhsi naxariis badan, waa nin deggen, waxaa damiirkiisa gubaya oo uu culayska u dareemayaa maadaama uusan ahayn qof gardarrada caadaystay, weli waxaa nool dadnimadiisii iyo iinsaaniyaddiisii.

Waxaan isweydiiyaa maxay la damqan la'yihiin ganacsatadeenna dalka keenta raashinka iyo daawooyinka tayada liita ee qaarkood sababa cudurrada dilaaga ah? maxaa keenay in siyaasiyiinteenna, dhaqankeenna, aqoonyahankeenna qaar ka mid ah shilimaad tirsan siistaan aayaha dalka?

Qofku marka uu damiirku dhinto, waa uu damqasho beelaa, waxaa uu noqdaa bahal, ha arkin lebiskiisa qurxoon, hadalkiisa macaan, dhoolla-caddayntiisa beenta ah, waa horor kuu gaatamaya, waa cadow aanan naxariis lahayn. Dulmiga qofku marka uu caadaysto, arxan maleh, xeerin maleh, xishood maleh, xaqdhowr maleh, xalaal iyo xaaraan midna kalama yaqaan. Waxaa uu waxwalba u duminayaa, u iibsanayaa, u hurayaa dantiisa gaarka ah, cidkalena waxba kama gelin. Waxaan isweydiiyaa dadka noocaas ah habeenkii marka ay gogoshooda tagaan oo ay hurdada isu diyaariyaan, qalbi degenaan maku seexdaan? Ma'isweydiiyaan "Tolow maantay yaan ku xadgudbay? Shaqaalehee xaqqiisii dafiray? qoladee hantidiisii dhacay? gabadhee ku kallifay inay caaway murugo la seexan weydo? Maskiinkee bahdilay oo sharaftiisii dhulka ku jiiday?....


Haka yaabin in ay su'aalaha noocaas ah isweydiiyaan, waayo waxaa ay noqdeen bahalloh, keliya waxaa ay ku fekeraan berri yaan wixiisa boobaa? yaan noloshiisa mugdi geliyaa?. Waa sun bulshada ku dhex jirta, waxaad ka sugtaaba waa un in ay waabaayo isu bedesho. Rafaadka sii badanaya, saboolnimada sii baahaysa, shaqo la'aanta baaxadda weyn, tuugada wajiyada badan, dadkeenna sii gumoobaysa, rajada sii yaraanaysa, quusta sii xoogaysanaysa wuxuushtaas ayaa sabab u ah.

Astaamaha lagu garan karo dadka noocaas ah waxaa kamid ah:

1. Dadku joogitaankooda waxay ka jecelyihiin maqnaanshohooda.
2. Dan haddii ay kaa gasho, adigoo aanan la kulmin baad natiijo xun ka filaysaa.
3. Haddii ay waxku tarayaan dan ka weyn bay ka leeyihiin.
4. Haddii ay wax qabanayaan dantooda un bay ka dhex arkaan, dan guud howshooda maaha.
5. Si ay u guulaystaan, waxwalba ayaa ka suurooba... siyaasiyiinta qaar baa lagasoo wariyey in ay dheheen "Siyaasad awgeed inaan qof u dilno waxba nalama aha"...



Gunaanad

Waxa ugu muhiimsan ee u dhexeeya qofka iyo xayawaanka waa damiirka, inta uu damiirkaagu noolyahay ayaad bani'aadam tahay, mar haddii aad isku aragtid damqasho la'aan, ogoow inaad khatar ku sugantahay, ka ilaali damiirkaaga in uu gaaro heer aad bahalowdid oo aadan u damqan cidna. Suubbaneheennu waxaa uu yiri "ILAAHAY waxaa uu addoomadiisa u naxariistaa, kuwooda naxariista".


(Magaca sheekada ku jira waan bedelay, si aanan loo aqoonsan saaxiibkay)

W/Q Cabdullaahi Bootaan
Faafi

Comments

  1. Masha allah waa sheeko runtii dhacdada ka hadlaysa oo aan haba yaraatee been ahayn, siyaasada soomaaliya waa laga shaqaystaa, laga macaasha, xoolaha dadwanaha oo lacuno Iwm. Sidaad adiguba kadhawaajisay adoonyo waxay ku hormartaa markii danta guud laga hor mariyo danta gaarka ah ee qofku ku doonayo inuu sanad inuu milyanneer ku noqdo kana mid noqdo maalqabeenada soomaalida.

    Mahadsanid Abdalla Bootaan.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Hardanka Puntland: Ballaarinta saamileyda siyaasadda iyo arki jire doon

  Inkastoo aanan ogeyn waxa u qarsoon saaxiibbadii shalay/cadowga maanta, misana waxa aan isku dayeynaa in aan akhrinno doodaha miiska saaran, si aan u fahanno waxa kicinka keenay. Tan iyo dhaqaajintii nidaamka axsaabta Puntland, waxaa soo noolaanayey himiladii Reer Puntland ay ka qabeen in dadku codkooda ku doortaan cidda ku meteleysa goleyaasha siyaasadda. Waxa aynnu wada xusuusannaa sida dadku usoo ajiibeen saddexdii degmo ee lagu billaabay nidaamka. Inkastoo haka uu galay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka degmooyinkii kale ee Puntland, misana dadku waxa ay muujiyeen rabitaan aanan la dhayalsan karin, taas oo aynu wada arkeynay sida dadku u codeyneyeen oo kormeerayaalkii Caalamiga ahaa ay qireen in dadkaanu yihiin kuwo aad mooddo in ay weligood wax dooran jireen. Casharraddii quruxda badnaa ee aynu ka barannay waxaa kamid ahaa murashixiinta ururrada oo wareegaya xaafadaha, qaarkoodna ayba wateen warbaahin soo tebinaysa codsiyada ay bulshada ku weydiisanayeen in ay codkooda si

Waligaa ma isla fariisatay?

  Imta meel gaar ah tagtay, shubatay shaah ama cabitaan aad jeceshahay, mala sheekeysatay naftaada? Waa caadada nafta marka ay cidlooto in ceebeheeda iyo gaabiskeeda ay kusoo deg-degaane, inta dhagaha ka laabatay maskaxda maku jiheysatay wixii laandheerenimo ahayd oo aad qeyb kasoo noqotay amaba aad hoggaaminaysay? Wax weynba adigoo aanan raadin ma isasoo xusuusisay iyadoo dadku ay geesaha ka marayaan qof caawimaad u baahan aad keligaa isu xilqaantay gobanimada kaa buuxda awgeed. Ama maalin aad u hiillisay mid walaalkaa ah ama saaxiibkaa ah oo la caddibayo, sida malag lasoo diray inta cirka kasoo degtay, u fidisay gurmad uusan fileyn. Dagaalka nafeed ee qof waajahayo waa kan ka socda labadiisa dhegood dhexdooda (maskaxda), taas oo uu ku rabbeeyo in ay taageeraha u weyn noqoto, ayaa u sahleysa dhammaan dagaallada nololeed ee uu geli doono ka jabo keenideeda. Dadka aadanaha ka xusan ee wax un loogu hirto, waxa ay leeyihiin barbar dhan oo noloshooda kamid ah oo mugdi ah amaba uu gaabi

Ka bad-badintii Puntland lagu aasaasay!

  Haddii aan soo koobo, Puntland laba lagu aasaasay. Dadkaa in ay salka dhigtaan iyo in dowladnimo Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Marka aad sii eegtid xaal sida uu ahaa, qodobka 2aad ka badbadin baa lagu tilmaami karaa. Dad iyaguba soo qaxay oo wax badanna ku dhex labanyihiin in ay sidaa u fekeraan, waa waalli cas. Yeelkeede, la gaar dowladnimadii, maantana dalku waa isku aaddanyahay, waxa khaldanna waa nin howshiisii dayacay. Aasaaseyaashii  Puntland waxaa qeyb ka ahaa dhaqankii oo badankood ah rag dhaxal ku yimid baa inoo jooga. Sideedana dhaqan waxaa kaalintiisu tahay arrin qabiil la xiriirta. Mana rumeysni qodobkaa ka badbadinta aan kusoo tilmaamay in ay iyaga ka timid. Haatan, Puntland mar walba oo wax dowladnimada la xiriira adkaato, ma saxbaa in dhaqanka lasoo geliyo? Haddiiba lasoo geliyeyse, dhaqanku awood ma u leeyihiin in ay arrin siyaasi ah furdaamiyaan?  Anigu waxa aan qabaa malaha dhaqankeennu awooddaas. Eeg, waxa aan ka hadlayo waa awood, kama hadlayo odeyeyn iyo xaal mastu